Waxaa horey shaaca looga qaaday in filimka Tiger 3 la sameenayo sidoo kalena hogaamiyaal ka yihiin Megastar Salman Khan iyo Katrina Kaif waxaana horey loo sii wadi doonaa taxanaha Tiger oo horey labo qeybood looga sameeyay siweyna loo jecel yahay guulo lixaad lehna gaareen.

Shirkada Yash Raj Films masuulka ugu sareeyo Aditya Chopra waxaa laga soo xigtay xafiiskiisa in Tiger 3 uu Director ka noqon doono Maneesh Sharma oo horey shirkadan ugu sameeyay filimada ay ka mid yihiin Band Baja Baaraat, Ladies Vs Ricky Bahl iyo Fan haatana mashruuca weyn Tiger 3 ayuu gacanta ku dhigay oo uu agaasimi doonaa.

Salman Khan iyo Aditya Chopra ayaa taleefoon ku wada hadleen waxayna isla qaateen in Maneesh Sharma Tiger 3 agaasimo waxay ka dhigan tahay in taxanahan marwalbo Director-kiisa la badalo waayo qaybtii kowaad Ek Tha Tiger 2012 waxaa agaasimay Kabir Khan halka qaybtii labaad Tiger Zinda Hai sameeyay Ali Abbas Zafar.

Dhinaca kale Tiger 3 waxaa la sheegay in Salman iyo Katrina duubis ku bilaabi doonaan dabyaaqada sanadkan ama horaanta sanadka dambe qorshahana wuxuu yahay sanadka dambe 2021 dhamaadkiisa ama horaanta 2022 in filimkan weyn la daawado asigoo miisaaniyad xoogan xambaarsan sidoo kalena si caalami ah loo sameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here