RRR waa filimka ugu weyn ee Hindiya oo idil wada sugayaan madaama SS Rajamouli Director ka yahay kaasi oo Bahubali labadiisa qeybood caalamka ku qabsaday waxaana hogaamiyaal ka ah mashruucan weyn Ram Charan, Jr. NTR, Ajay Devgn iyo Alia Bhatt qorshahana wuxuu ahaa in 8 Janaayo 2021 la daawado.

Haatan aqbaar wanaagsan ayaa kooxda filimkan kasoo yeertay waxaana la sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan duubista filimkan magaalada Hyderabad kaga bilaaban doonto madaama nolosha Hindiya si caadi ah ugu soo laabaneyso waxaana la rabaa dib u dhacii xoganaa ee duubista filimkan ku timid labadii bilood ugu dambeesay laga soo kabto laguna daawado waqtigii loogu tala galay.

Soo saaraha filimkan DVV Danayya oo iska leh shirkada DVV Entertainments ayaa sheegay in maamulka Andhra Pradhesh iyo Telanga ay ka heleen ogolaansho ku aadan duubista filimka RRR amba qaadi karaan todobaadka dambe balse laga rabo shuruucda iyo hanaanka caafimaadka qabka la dajiyay ilaaliyaan kooxda filimkan si xanuunka dhibaatada badan sababay Coronavirus markale bulshada ugu dhex fidin.

Filimka RRR miisaaniyaad ahaan wuxuu xambaarsan yahay in ka badan 450 Crore ($59.55m) waana hubaal in qarashkiisa sii badan doono madaama mudo labo bilood ah shaqada mashrucan hakad gashay waxayna kooxda filimkan si deg deg ah inay duubista dib ugu amba qaadaan lagan gaarsiiyo in waqtiga loogu tala galay 8 Janaayo 2021 filimkan weyn tiyaatarada la saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here