Gabadha heesaaga caanka ah Kanika Kapoor waxaan horey idin kula wadaagnay in 20-kii Maarso 2020 laga helay caabuqa halista badan Coronavirus sidoo kalena isbitaal lagu karantiilay ayadoo xitaa dacwad lagu soo oogay madaama la sheegay inay London ka timid 15-kii Maarso kadibna baaritaankii lagu sameyn lahaa ka dhuumatay xaflad 100 qof ka badan ka qayb qaateen dhigatay ayadoo xanuunka qabto markii dambena uu soo ritay.

Kanika Kapoor waxaa la sheegay 16-kii maalmood ugu dambeesay 5-jeer oo kala duwan inay iska baartay in weli Coronavirus haayo ama inay ka bogsatay balse shanta jeerba gabadhan Positive ayay noqotay ama xanuunka jirkeeda ayuu ugu jiray.

Ugu dambeyntii shalay tijaabadii laga qaaday oo ahayd markii lixaad la baaro ayay Negative ku noqotay ama laga waayay astaamaca cudurkaan. Waxaana arinkan soo dhaweeyeen qoyskeeda in gabadhooda Coronavirus ka bogsatay balse lama ogo in Kanika la fasixi doono madaama la sheegay in maxkamad lasoo taagi doono madaama ayadoo ogaal u leh inuu caabuqan haayo dad badan la fal gashay oo qaarkood xanuunkan uu ku dhacay.

Kanika Kapoor haatan xaalad ahaan aad ayay u wanaagsan tahay waxaana la sheegay in booliska magaalada Lucknow go’aan ka gaari doonaan in gabadhan la fasaxaayo iyo in maxkamad lasoo taagi doono ayadoo bulsho weynta Hindiya badankooda baraha bulshada ayay ku dhaliileen gabadhan heesaaga ah falkii ay ku kacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here