Atirishada caanka ah ee awooda ku leh Bollywood-ka Alia Bhatt ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday in hadda kadib taageero weyn u tahay Superstar-ka reer Telugu Prabhas kaasi oo Hindiya oo dhan ka dhaxeeyo madaama uu sameeyo aflaan caalami ah oo si tayo heer sare leh loo sameeyo.

Alia Bhatt waxay sheegtay inay Prabhas siweyn kaga heshay markii Bahubali daawatay madaama dhawaanahan qof walbo gurigiisa joogo ayadoo bandhow Hindiya ka jiro si Coronavirus-ka looga guuleesto waxay Alia ku raaxeesatay daawashada filimka Bahubali labadiisa qeybood.

Waxayna xidigtan tiri “Waan ka helay bandhiga shaashada Prabhas iyo qaabka uu kaga baxsaday taxanaha Bahubali jiliin ahaan, hadda kadib waxaan ahay taageeraha kowaad ee Prabhas waayo siweyn ayuu iigu soo jiitay qaab jiliin ahaan Bahubali markaan daawaday waa atoore cajiib badan oo shaashada wacdaro waali ah ka sameyn karo.”

Alia Bhatt dhawaan waxay kasoo muuqan doontaa filimka Telugu ah ama Koonfur Hindiya laga leeyahay RRR oo ay Ram Charan lamaantiisa ku jili doonto sidoo kalena mashruucan weyn SS Rajamouli Director ka yahay waa ninkii agaasimay Bahubali ayaa mashruucan agaasimay waxaana hogaamiyaasha ka mid ah Jr. NTR iyo Ajay Devgn qorshahana wuxuu yahay in la daawado 8 Janaayo 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here