Waxaa lasoo bandhigay goos goosyar oo ka turjumaayo xalqada 33-aad Hercai waana goos goos heer sare ah maadama arimo xiiso leh lagu arkaumy hadaba dhacdooyinka goos gooskan hoos kaga bogo:

Miiraan iyo Reyyan waxay joogaan istanbul oo ay bisha malabka iyo dalxiiska maalinta jaceylka aduunka ay u aaden hadaba waxaa si dhuumasha ah ugu imaanayo Harun misane jaakada labidka Miiraan ayuu warqad galina.

Miiraan ayaa jaakadiisa iskudayaayo inuu kala soo baxo buug kujiro kadib Reyyan ayaa dhaheyso,”buuga maxaa kuugu qoran? Ma ereyo jaceyl oo aad afka kadhihi karin ayaad buuga kusoo qorotay” waana hadal ay Miiraan kula kaftameyso.

Miiraan isagoon u jawaabin Reyyan ayuu warqad ka dhex helayaa meesha waana warqadii Harun meesha galiyay waxaana ku qoran warqada sida tan,”hadii aad dooneyso inaa runta ogaato iyo wax walbo sidee kudhaceen si deg deg waa inaad ku baadi goobtaa ama ku raadisaa hooyadaa Dilshaa qofkii Sir-hayaha u ahaa ee ay ku kalsooneed.”

Miiraan ayaa isagoo qeylinaayo dhahaayo,”qof ayaa na daba socdo balse waan ogaan doonaa qofkaas cidu yahay” kadib waxaa lagu tusaa Harun oo dhuumanaayo balse Miiran iyo Reyyan ayaa qabanayaan oo ka hor imaanayaan.

Kadib Miiraan ayaa Harun la xarbinaayo isagoo dhahaayo waa adiga so ma aha qofka nadaba socda ilaa Istanbul maxaa naga rabtaa oo naga daba socotaa” ayuu dhahaa Miiraan balse Harun ayaa iska dhigaayo qof aan waxba ogeyn iyaga ayuuna suaal weydiina oo uu leeyahay,”maxaad halkaan ka qabaneysaan.”

Dhamaad halkaas ayuu ku dhamaana goos gooska 1-aad ee xalqada 33-aad waana goos goos xiiso leh balse hal arin ayaan ka fahamnay in Harun uusan cadow ku ahen Miiraan balse uu garab ku sinaayo sidii uu runta ku ogaan lahaa iyo xaqiiqada ka qarsoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here