Waxaan taxliil kusameynay goos gooska laga soo bandhigay Filimka Coolie no.1 ee ay hogaamiyaasha ka yihiin Varun Dhawan iyo Sara Ali Khan waxaana kusoo koobnay seddex qodob oo kala ah maxuu ka hadlayaa filimka, dadku maxay ka dhaheen iyo mudnaanta hogaamiyaasha fadlan hoos kaga bogo:

Fariinta Filimka oo kooban iyo waxa uu ka hadlaayo:

Waa dib usameynta Filimka Coolie no.1 ee Govinda iyo Karisma ku baashaaleen sanadkiii 1995 marka uma baahmaa faah faahin dheer hadii aan fariintiisa soo koobno Paresh Rawal waxuu jilayaa doorkii Kader Khan ee qeybta original-ka waana hantiile kibir badan oo doonaya inuu gabadhiisa u guuriyo wiil cid lacag leh ka dhashtay sidaa aawged ninkii uu udirsaday inuu u baadi goobo wiil lacag leh ayuu bahdilaa sixuna ula dhaqmaa hadaba ninkaas la bahdilay waxuu wacad kumarsa inuu ka aargoosto hantiilahan kibirka badan.

Waxuu la kulmaa Xamaali Raju (Varun Dhawan) waxuuna ka dhigaa nin hantiile ah oo leh dhismaha dunida ugu dheer ee Burj Khalifa si uu ugu guuriyo ganacsadihii kibirka badnaa Paresh Rawal gabadhiisa quruxda badan Sara Ali Khan. Hadaba xamaali Raju qorshihiisa markuu fashilmo sheekada dhinac kale ayuu ugadinaa waxuuna iska dhigaa labo qof oo waxuu leeyahay nin mataano aa nahay ayaa jiro waana isla sidii Govinda kujilay qeybta Original-ka Filimka waa mid qosolka kaa dhameyn doono waayo Varun wajiyo badan ayuu isticmaala mar xitaa dumar ayuu sika dhigaa si uu u qiyaano odayga mayeelka adag ee Paresh Rawal sido kale Action xiiso leh ayuu leeyahay daawashadiisa waa mid la dhararaayo waxaana indhaha lagu hayaa bandhiga hogaamiyaasha sida uu noqon doono.

Maxaa laga yiri goos gooska:

Daawadayaasha waxay jeclaan lahaayen inuu Govinda ka hadlo goos gooskan kahor inta aysan iyaga xukmininq inuu isaga xukmiyo waxna ka dhaho balse dadka inta kale labo ayee uqeybsameen kuwa Varun iyo Sara baraha bulshada ku Troll-gareyaan iyo kuwa u sacab tumeen amaana kala dul dhaceen waxaana Varun lagu tilmaamay door walba xaqiijin karo sameyntiisa waliba doorarka shactirada halka Sara jiliinkeeda ay ka saameeyn badnaatay quruxdeeda waayo muuqaalka quruxdeeda ayaaba lagu mashquulaa halkii jiliinkeeda la miisaami lahaa waxay lasoo baxday soo jiidasho horleh.

Mudnaanta jilayaasha:

Dhamaantooda amaan iyo abaal marino ayee mudan yihiin sida xaqiiqada gaar ahaana in lasii maamuso waa qasab seddexda jilaa kala ah Varun Dhawan, Paresh Rawal iyo Sara Ali Khan waayo waa hogaamiyaasha Filimka waana qasab in abaal marin lagu siiyo Filimkaan Varun iyo Paresh hadii kalena waa xaqiraad weyn inkastoo goos goos kaliya la daawaday hadana bandhigooda wax la is dhaafin karo ma ahan.

Waxaad arkeysaa in labadooda Filimka uu xifaaltanka ka dhaxeeyo wax badan ayeena kaa qoslin doonaan jilayaasha kale mid walba amaan ayuu mudan yahay sida Johnny Lever, Rajpal Yadav iyo kuwa kale waxaa kaloo xusid mudan in dib loo sameeyay heeska Blockbusterka ah ee Husne Hai Suhana Govinda iyo Karisma Filimkaan ki wacdareyeen qeybtiisa asalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here