Atiriishada caanka ah Kareena Kapoor Khan ayaa weerar dhanka baraha bulshada ah lagu bilaaway inkastoo xaalkeeda hader sidaa u sii weynen balse hadii lasii buun buuniyo arinkaan waxas laga cabsi qabaa in Bebo lagu daro liiska jilayaasha sida weyn loogu careysan yahay sids Alia Bhatt, Karan Johar, Salman Khan iyo Sonam Kapoor oo iyaga boqolaal kun shacbiyad ah Unfollow Instagram-ka ka dhaheen.

Kareena waqtigaan Unfollow ma xamili karto waayo goordhow aywe aaladan soo gashay mida kale xidigtaan Sushant si gaar ah uma aysan weerarin balse dad ayaa ugu talo galeen muranka jiro in lagu soo daro hadaba maxay tahay waxa Kareena laga sheegay iyo khaladka ay Sushant ka gashay oo la sheeg-sheegayay maalmahan.

Horta muuqaalo hore ayaa dib baraha bulshada loogu faafinayaa jilaa walba oo Sushant horey ula kaftamay ama waxyar hadal xumaan ah xitaa dhahay waa lasoo dhigooyaa baraha bulshada dadbaa wareysiyadii hore baaritaan kuwadaan hadaba Kareena hada kahor muuqaal laga duubay ayaa Internet-ka dhex mushaaxaya waxuuna aha muuqaal ay wareysi Tv-yada kabaxa la yeelatay atiriishada Amrita Arora.

Barnaamijkaas Kareena waxaa lagu weydiiyay suaalo badan mid kamid ah waxaa la dhahay”nala wadaag talada aad Sara Ali Khan u reebi laheed dhanka wiilasha ay shukaansato ama xiriirka la yeelan doonto maxaad kula talin laheed kahor inta aysan arinkaas ku dhaqaaqin.”

Kareena waxay tiri,”waxaan kula talin lahaa ineysan xiriir la sameynin atooraha filinkeeda kowaad ay la jisho” nasiib xumo atoorihii kowaad ee Sara Ali Khan filim la sameysay waxuu noqday Sushant Singh Rajput oo ay la sameysay Filimkii Kedarnath (2018) xitaa Sara waa la Troll-gareeyay wareysi hore ayee si kaftan kudhahday maba aqaan Sushant aad sheegeyso.

Kareena baraha bulshada ayaa lagu jafay midbaa yiri,”Kareena ayaa Sara kula talisay ineysan Sushant xiriir la sameynin sababto ah waa laga dad badan yahau sida atoore aan Bollywood kujirin oo kale ayee ula dhaqmeen cadaalad buu rabaa Sushant.”

Mid kale waxuu yiri,”Kareena waxaad tahay haweeyney kibir badan xirfad dhameestirana laheen sababta aad atiriisho u tahayna waa reer Kapoor madaxooda ma wajigaas adoo leh ayaa Sushant wax ka sheegayo ceeb hakuu sugnaato waxaa kuu wanaagsan inaadan Bollywood kusoo noqon dhab ahaana Sushant ayaa la dhihi karaa waa jilaa ee adi ma tihin.”

Xidigtaan ayaa sixun loogu weeraraya baraha bulshada hadaladaas iyo kuwa kale ayaa lagu duqeyay mana la oga inee ka hadli doonto iyo inkale balse sheekadan dad ayaa ku faraxsan iyo in Kareena murankan lasoo galiyo hadaba ma qiyaasi kartaa dadka Kareena dusha iska neceb yihiin ee aadka ujecel in Bebo murankaan dhexda kasoo gasho misane Bollywood katirsan.

3 COMMENTS

  1. Kkkkkkkkkkk kuli dadkan waraysiyadi hore soo qaadanaya waxay ahaayen awalba dadki dhihi jirey isqarabaysi siiba karan johar iyo kareena iyo Alia bhat si gooni ah baa laysu raaciya sababto ah karan johar ayaa labadan atirisho jecel saaxiib dhow na la ah markaa waxaan dhihi karna waa dad geerida sushan singh rajput ku dabo gambanaya

  2. Zakaria Abdi hada hadana waxaa lagu dhegen yahay Rhea Chakraborty kkkkkkkkkkk yaab dadka aduunko dhan waa isku mid maalinru qofku dhinto ayey qaraabo uwada noqda markaasey bilaaban hebel “heblayo waa qof fiican geesi buu ahaa waalaga gardarna xitaa somalidena ufiirso qof dadka ku dhex gaajonaya maalintu nool yahay waxba lasiin maayo oo la daryeelimaayo lkn maalintu qofku dhinto ayey meedkisa wax siiyan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here