Maxaa sababay atariishada Merve Bolugur ayadoo Muslim ah iney macatab xirato? Ayada ayaa ka jawaabeyso.

0
2227

Atariishada Turkishka ee Merve Bolugur ayaa marar badan waxaa lagu arkay ayadoo macatab (Calaamada Kirishtaanka adeegsadaan) qoorta ugu xiranyahay waxayna arinkaas dhalisay in su’aalo diinteeda la xiriira la is weydiiyo.

Mid kamid ah jamaahiirteeda ayaana barteeda Instagramka ku weydiiyay su’aal aheyd; “Waxaan is weydiinayaa Diintaada, Khalad ha ii fahmin waayo qaar kamid ah sawiradaada waxaan arkay adoo Macatab xiran”.

Merve ayaana ku jawaabtay sidaan; “Aniga kala bixiyo diimaha Alle, Sidoo kale masiixiyada waa mid kamid ah diimaha samaawiga (Xag Alle laga soo dajiyay), Aniga waxaan ahay Muslimad balse qaab sameyska Macatabka waan ka helay uun”.

Hadaba akhristow sidee u aragtaa hadalkeeda?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here