Dhawaanahan waxaan ogeenay lamaanaha hadal heynta Bollywood-ka heestaan Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt xiliyada fasaxyada iyo feestooyiinka gudaha Hindiya ka jiraan inay waqti isla qaadanayeen balse sanadkan feestada Diwali 2019 oo toos u bilaabaneys maalinta Axada ah RK iyo Alia isma wehlin doonaan mana wada dabaal dagi doonaan.

Sababta waxay tahay Alia Bhatt waxay ku maqan tahay magaalada Ooty (Uuti) oo ay ku duubeyso jadwalka ugu muhiimsan filimkeeda Sadak 2 waxaana la jilayaan Aditya Roy Kapur, Sanjay Dutt, Pooja Bhatt iyo Gulshan Grover oo doorka laadarka matalaayo waxaana Director ka ah Alia aabaheed mudane Mahesh Bhatt oo kursiga agaasinka mudo dheer kadib kusoo laabtay.

Alia Bhatt waxay ka timid London ayadoo sedex maalmood nasiino ah lasoo qaadatay walaasheed ka weyn Shahreen Bhatt oo halkaas ku nool kadib marka ay Mumbai soo gaartay waxay toos ugu amba baxday Ooty si jadwalka duubista Sadak 2 u xaadirto sidaa darteed Ranbir Kapoor kaligiis ayaa Mumbai looga tagay wuxuuna ku qasbay yahay feestada Diwali inuu la dabaal dago aabihiis Rishi Kapoor iyo hooyadiis Neetu Singh.

Filimka Sadak 2 waxaa la daawan doonaa 10 July 2020 waana mashruuc weyn madaama qaybtiisii kowaad Sadak sanadii 1991 HIT noqday waxaana hogaamiyaal ka ahaayeen Sanjay Dutt iyo Pooja Bhatt oo markaan waalidiin matali doonaan waxaana hogaamiyaal ka ah mashruucan Sadak 2 Alia Bhatt iyo Aditya Roy Kapur oo shaashada jaceyl ku matalayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here