Warbixintaan waxaan idinkugu soo gudbin doonaa liiska 8 atariisho oo caan ka ah Bollywood kuwaasoo lacag guursaday – ama si kale haddii loo dhigo atariishooyinka Bollywood ee guursaday rag ganacsato ah oo lacag leh, kuwaasoo taageereyaasha atariishooyinkaan ay muran ka keeneen haddii ay u qalmaan.

Qaarkood raggaan tujaariinta ah ee ay guursadeen atariishooyinka Bollywood ayaa ah ka dhallin badan. Laakiin waxay ku doorteen cudud dhaqaale. Waana qeybta labaad ee warbixintaan.


#5 AYESHA TAKIA IYO FARHAN AZMI

Ayesha ayaa guursatay wiilka uu siyaasiga ahna ganacsadaha dhalay Farhan Azmi, laakiin waxay aheyd mar ay xirfad ahaan bilowday inay hoos u dhac sameyso. Afar sanno ayuu ka weyn yahay, xirfaddeedii jilliinka ayey iska dhaaftay, waxaana hadda mararka qaar la arkaa iyadoo xaflado gaar ah ka qeybgeleysa.

#6 AMRITA ARORA IYO SHAKEEL LADAKH

Gabadha la dhalatay Malaika Arora Khan ee lagu magacaabo Amrita Arora guulo kama aysan gaarin Bollywood, aflaan magac ahaan lagu xasuustana ma aysan sameyn, waxayna go’aansatay inay guursato Shakeel Ladakh sannadkii 2009kii.

#7 VIDYA BALAN IYO SIDHARTH ROY KAPOOR

Inkastoo ay ka mid tahay atariishooyinka ugu awoodda badan Bollywood marka ay timaado in lagu dhiirrado in filim hogaamiye kali ah laga noqdo, hadana Vidya ayaa ka mid ah atariishooyinka lacagta guursaday, waxayna dooratay maalgeliye aflaanta ah Sidharth Roy Kapoor kaasoo laba xaas horteed soo furay.

Guurkoodu wuxuu dhacay 2012kii, waxaase xusid mudan inuu shan sanno ka weyn yahay atariishadaan caanka ah.

#8 TINA AMBANI IYO ANIL AMBANI

Tina Ambani ayaa 1991dii guursatay Anil Ambani oo ah ganacsade heysta 2.4 bilyan oo dollars, waxaana xusid mudan inay iska diiday guurka Superstar Rajesh Khanna – atariishadaan oo 1980meeyadii heysatay Bollywood-ka ayaa waxaa xusid mudan inay laba sanno ka weyn tahay seygeeda. Malaha waa tan ugu dooqa wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here