Waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdishu bishii april 10 sanadkii 1985,dagaalkii sokeeye kadib  isaga iyo qoyskiisa waxa ay u qaxeen dalka Yemen ,xilligaa da`diisa waxa ay aheyd 7 jir.

Halkaas ayuu aabihii ka noqday macalin iskoolada Yemen wax ka dhiga ,muddo kadib sanadku markuu ahaa 1999 ayay isaga iyo reerkiisa dib u dejin ka heleen dalka mareykanka waxaana la dejiyay magaalada Minneapolis oo ka tirsan Gobolka Minnesota halkaas oo ay ku nool yihiin Bulsho Soomaaliyeed oo aad u balaaran.

Inta uusan ku biirin Shirkada Filimada Hollywood waxa uu ka soo shaqeeyay dukaan lagu iibiyo Moble-lada oo uu lahaa walaalkii,waxa kale uu darawalnimo uga soo shaqeeyay shirkada kala ah  chauffeur company iyo Disc Jockey,

Waxa uu ku guuleysta bilada kala ah Academy Award, Golden Globes iyo Bafta isagoo noqday jilaagii ugu wanaagsanaa filiimkii Captain Phillps oo burcad badeedka ahaa.

Filimada uu Barkhad ka soo muuqday waxaa ka mid ah:

1- Captain Phillipa (2013)
2- Eye In the Sky ( 2015
3- Men in the Arena ( 2017)
4- Good Time ( 2017)
5- The Pirates of Somalia (2017)
6- Balde Runner 2049 ( 2017)
7- Extortion ( 2017)
8- The Extraordinary Journy of the Fakir (2018)
9- The Toll (2018)
10- A Girl from Mugadisho (2019)

W/D Maankiz

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here