Tuba Buyukustun waxa ay kasoo jeeda Turkish dagaan dhanka iyo Asia iyagoo asalkooda ka yimaadayn dalka Albania

Tuba Buyukustun waxa ay ku taqsuustay samaynta iyo naqshadaynta dharka fashion ka iyadoo naqshadaynta dharka kasoo baratay jaamacada lagu magacaabo Mimar Sinan University

Tuba Buyukustun waa mid ka mid ah jilaayaasha ugu caansan dalka Turkish sidoo kalana waa koowaad ama labaad atariishooyinka ugu guulaha badan turkida iyadoona jishay taxanayaal badan oo guulo waaweyn gaareen.

Tuba Buyukustun waxa ay dhalatay 5 July sanadkii 1982 waana 36 sano iyada waxa ay tahay shaqsi magac iyo maqaam ka samaysay samaynta musalsalada iyo dhanka modelka

Tuba Buyukustun waxa ay ka qayb noqotay 100 haweeney Ugu quruxda badan caalamka iyadoo ka mid ahayd 5 haween oo turki oo liiskaas soo galay sanadkii 2017

waxa ay jilista musalsalada bilowday sanadkii 2003 iyadoo kasoo muuqatay taxanaha lagu magacaabo Nisriin iyadoo intii ku guda jirtay fanka Turkish atariishadan ay sameesay musalsalo caan ah kuwaaso gaarayn guulo waa weyn sida Lamiis  (2005) iyo Aasi (2007)

 Xariirada Ay Sameesay

atariishadan waxa markii hore si weyn lagu xamanaayay inay xariir jaceyl la sameeso jilaayaasha ay isla sameeyaan musalsalada sida Murat Yildirim kaaso isla sameeyeen musalsalka lagu magacaabo Aasi iyo aktarka Engin Akyurek

laakiin Tuba Buyukustun waxaa ay sanadkii 2011 guursatay aktarka lagu magacaabo Arif Onur Saylak aroos ka dhacay dalka faransiiska waxaana ay wada noolaayeen muddo 6 sano waxaana ay isku dhalayn labo gabar oo mataano kuwaaso dhashayn sanadkii 2012

waxaana lagu kala magacaabo Maya iyo Toprak iyagoo kala tagayn sanadkii 2017 ka dib markiis oo kala dhex galay qilaaf iyo muran joogto ah hadda atariishadan waa single mother taaso haysata labo gabdho

Shaqooyinkayda Kale

Tuba Buyukustun waxaa sanadkii 2014 loo magacaabay Ambassador UNICEF ee dalka Turkish Maadama ay xilli walba ay jeceshahay atariishadan inay caawiso dadka dhibaataysan kuwaaso ku nool dalkeeda

Abaal-marinada ay Ku guuleysatay

Tuba Buyukustun  waxa ay u tartantay 32 abaal-marino oo kala duwan waayaheeda fanka iyadoo ku guuleysatay 29 ka mid ah abaal-marinadaas taaso ku cadaynaysa inay tahay shaqsi aan loo dhawaan karin iyadoo ku guuleysatay abaal-marino ay ka mid yihiin Best Actress , Best Drama Actress , Most Successful Actress , Elle Style Actress , Best Actress leading short films iyo kuwa kale oo badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here