Ugu horeyn xalqada waxay ahed mid aad iyo aad u xiiso badan waxyaabo badan oo cusubna aan ku aragnay sido kalena sir badan ayaa is fur fureysa markaan hadaba dhacdooyinkii cusbaa ee aan ku aragnay xalqadan misane wax badan ku ogaanay hoos kaga bogo:

1-Miiraan iyo Reyyan waxay ogaadeen in faraantiga loo sameeyay Hazar Sodologu balse aan loo sameynin Maxamed Aslanbey waana waxa ugu weyn iyo muuqaalka ugu xiisaha badnaa xalqada balse meesha ayee xalqada ku dhamaatay xalqada 30-aad ayaana laga ogaan doona waxa dhici dooono waxa ay fali doonaan hogaamiyaasha taxanaha.

2-Miiraan aduunyadiisa iyo naftiisa kaliya Reyyan ayuu siiyay inkastoo uu qoyska reer Aslanbey uu jecel yahay wixii dhibayana uu ka damqanaayo hadana ma jeclo inu waqti la qaato, inuu sir ku qarsado iyo wax walbo waxaana cadeyn kuugu filan dooda isaga iyo Gonul dhexmareyso xili Gonul ay leedahay anaga maxaa marwalba nooga carartaa oo Reyyan kaliya wax walba ula wadaagtaa.

3-Haaruun oo ah ninka guursan rabo Yaariin waa nin wax badan og sir badana ka warhaayo markii hore Caziiza inuu ushaqeyo ayaa loo maleyn jiray balse xalqadan waxaan ku ogaanay qofkale oo qarsoon inuu ushaqeyo sir badan ayuu ogyahay waxuu xabsiga kasoo saaray Caziiza walaashed Xaniifa.

Caziiza wey awoodi weysay walaashed Xaniifa ine xabsiga ka saarto balse Haaruun ayaa imaanayo misane ka saaraayo xabsiga waliba shuruud ayuu ku xiraa isagoo howl aan la aqoon u dirsanaayo maadama lagaa qarinaayo waxay ku heshiyeen isaga iyo xaniifa marka Haaruun inuu qof kale ushaqeyo ayaa xalqada ku ogaanay.

4-Xaniifa wey ka aamin baxday walaashed Caziiza maadama ay xabsiga ka saari weysay sido kale xaniifa waxay cuqdad weyn u qaaday reer Sodologu maadama iyagana xabsiga ay kasaari waayeen marka waa qof xanaaqsan misane cuqdadeysa talaabo walbana laga filan karo.

5-Caziiza waxay isbitaalka dadka waalan lagu xiro geysay Suldana oo ay halkaas kaga soo tagtay balse Suldana meesha waa laga soo saaray waxaa kasoo saaray cadowgii qarsoonaa ee Caziiza warqadaha usoo diri jiray Suldana marke qasriga tagtana waxay kudhahee Caziiza qof cadowgaada ah ayaa isoo saaray waxaana xusid mudan xitaa Suldana ineysan ogen qofka kasoo saaray isbitaalka.

6-waxyaabaha aan ku baranay xalqadan waxaa kamid ah in Caziiza iyo Caaisha labo qof kala yihiin markii horena hal qof ayaa loo maleyn jiray balse waa walaalo aad isugu eg sababto ah Caaishadii uu Nasuh jeclaa ma noola wey geeriyootay sida Nasuh tilmaamay xalqadan.

Nasuh waxuu joogaa guriga beerta ee dabka ka kacay waxaana lagu tusaa muuqaal hore xusuus ah oo uu Nasuh xusuusanaayo, Caaisha waxay ka shaqeyn jirtay guriga Nasuh iyada iyo gabdhaha la dhashteen oo Caziiza kujirtana halkaas ayee ku noolaayen balse Nasuh ayaa jaceyl u qaadaayo gabadha gurigooda ka shaqeysa ee Caaisha ah.

Laakiin jaceylkaas waxaa ka hor imaanayo Nasuh hooyadiis oo neceb in wiilkeeda jaariyada guriga la haasaawo waxayna wiilkeda udire safar ganacsi intuu maqanyahay ayeena wax walba dhacayaan oo Nasuh waxuu ku cataawa ama ku baroorana khaladka aniga leh maalinkaas inaa baxo oo safarkaas aado ma aheyn ayuu dhahaa.

Oday Yuusuf oo dhinaciisa jooga ayaa iskudayaayo inuu dajiyo maadama Yuusuf waxwalbo goob joog u ahaa sido kalena marwalba Nasuh ayuu la jiri jiray ilaa yaraantood marka guriga beerta kuyaalo dab ayaa qabsaday oo ay kudhinteen Caziiza reerkeeda misane Caaisha kamid tahay waxuuna dhibkaan dhacay intii Nasuh safarka kumaqnaa waliba Caaisha waxay dhahee haiga tagin Nasuh waa cabsanaa 3-maalmood aad maqnaan doonto kuma sugi karo hooyadana waad ogtahay side ii ciqaabto jaceylkeenana oga so horjeedo hadaba Nasuh wuu ilmeynaa markuu hadalkaas soo xusuusto isagoo ka qoomameynaayo sababtu oga tagay gabadhu jeclaa.

Inee Caaisha dhimatay waxaa ku ogaane in Nasuh dhahaayo gurigan qabriyada dadkii ku geeriyoodeen ayaa ku yaalo waana in albaabada aan u laaba dib dambena loo furin halmar kaliya ayaa la furaa waana marka aniga geeriyoodo si la iigu aaso qabriga gabadhaa jeclaa akteeda oo uu ula jeedo qabriga Caaisha akteeda haliigu aaso markaan geeriyoodo.

7-Sida qorshaha ahaa Zahra wey baxday oo hooyaded xanuunsan ayee aaday balse inteysan bixin warqadii cadeyneysay in Miiraan Hazar dhalay ayee meel kuqarisay waxayna u hanjabtay Caziiza hadee dhaqaaq dambe sameyso inee sirtaas sheegi doonto hadaba Zahra wey baxday inaan dib dambe loo arkin ayaana macquul ah waxaana soo dhow waqtige soo bixi lahed Miiraa Hooyadiis Dilshaah ileen wey nooshahay.

8-Qofka Suldana isbitaalka waalida kasoo saaray, qodka Haniifa xabsiga kasoo saaray, qofka uu Haaruun u shaqeyo dhamaaan qofkaas inee Dilshaah tahay ayaa loo badinaa waxayna sameyneysa ficil walba oo Caziiza dhib ku ah waa inoo xalqada 30-aad iyo wixii soo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here