Qodobo xiiso leh ayaa kasoo baxeen xalqadii 28-aad Hercai ee aan daawanay hadaba 5-arimood xiiso leh ayaa xalqadab kuwada ogaanay sido kale waxaan ogaanay 5-arimood oo la filanaayo inee dhacaan xalqada 29-aad.

Marka hore aan ku hormarno 5-arimood ee aan ku ogaanay xalqada 28-aad qofkii xalqada oo dhameestiran daawaday ayaana fahmi karo.

1-Caziiza waa qof dhibane ah oo godob laga galay waxaa laga dilay aabahed, gabdho la dhashteen iyo ninkeeda oo ay weysay sida ay ku barooratay markii Asmaa ay la joogtay waana markii ugu horeysay Caziiza ay ka hadashay dhibkeeda sido kale jirkeeda dhaawacyo ayaa ku yaalaan waxayna sheegtay aargoosi aawgii inee u noqotay qof xun awalna qof fiican ayee ahed.

2-Caziiza adduunka waxay ugu jeceshahay iliif caruurteda inta hada nool iyadiina wey ka diiday inee joojiso aargoosiga sababto ah iloof shuruuda ay ayeeyded kuxirtay ayaa ah inee joojiso aargoosiga iyo dhibka markaasna ay iyada raaci doonto balse Caziiza wey diiday inee joojiso aargoosiga weyna kasoo tage gabadheeda iliif taasi waxay ku cadeynee in Caziiza aargoosiga waxan kudooran doonin ileen iliif oo ay adduunyada ugu jeceshahay ayee ku dooran weyday.

3-Nasuh gabadhii uu jeclaa ee Aisha la dhihi jiray iyo Caziiza waa walaalo ama mataano sida xalqada laga fahmay xitaa waxaa macquul ah inee hal yihiin oo isla Caziiza tahay Aishadii uu Nasuh jeclaa wax walbana halkaas kasoo bilaawdeen hase ahaate Nasuh khalad ka dhacay ayaa saameyay qoyska reer Aslanbey oodhan iyo dabkii uu shiday oo ay kuwada gubteen Caziiza iyo reerkeeda hadaba Caziiza aargoosigeda waa midaa ileen reerkeda ayaa laga dilay Nasuh ayeena dhib ka tabaneysaa.

4-Miiraan iyo Reyyan waxay bilaaweyn inee baaraan kiiskii hooyadiis Dilshaah iyo sidee kudhimatay waxayna tagayaan saldhiga Police-ka waxaana loo sheegaa inee baaritaan kujiraan markii wax la ogaadana isaga Miiraan ah ay lasoo xiriiri doonaan.

5-Guurka Azaad iyo iliif waa heshiis xili iliif ay jeceshahay Azaad arinka layaabka leh ayaase ah in Caziiza ogtahay guurkan inuu heshiis yahay iyada in aargoosigeda lagu joojiyana darteed uu udhacay arooska waana sababta ay gabadhee ayeeyada utahay oga soo tagtay qasriga reer Sodologu ayadoo soo wadan kartay ileen waxay oged in Azaad iyo iliif wax xiriir sariir dhexmari doonin arooskana iyada Caziiza aawged udhacay.

5-arimood ayaa ugu waaweyna wixii aan ku ogaanay xalqada 28-aad waxaa kaloo jiraan arimo kale oo yar yar kuwaaso kala ah: Asmaa goob joog ayee ahed dhacdo walbo oo dhacday waxaana lagu ogaaday marke Caziiza lahed “Asmo adiga wax walba dhacay goob joog ayaa ahed aniga in dhib la iigestayna adiga marqaati ka ah” Caziiza waxay sheegtay 50 dhacdo oo dhib loogu geestay inee indhaheeda ku aragtay.

Miiraan sababta uusan u aamini karin Hazar waa inuu ka been abuurtay oo uu dhahay Miiraan ayaa jaranjarada iga soo tuuray si walbo Hazar isugu dayo inuu Miiraan u fahamsiiyo hooyadiis inuusan dilin Miiraan ma aamini doono sababtaas aawged.

Markii intaas laga soo tago aan isla qiimeyno 5-arimood oo la filan karo inee dhacaan xalqada 29-aad:

1-Azaad wuu dhimana ama ugu yaraan dhaawac ayuu noqonaa ileen dabkii Caziiza guriga qabadsiisay qofka dhaawaca ugu weyn gaaray waa isaga marka Azasd naftiisa halis ayee kujirtaa inuu dhinto waa macquul inuu dhaawacmaayo ayeese u badantahay.

2-Caziiza waxay dili doontaa Zahra ama wey afduuban doontaa oo Zahra dib dambe looma arki doono sababte xalqada oga baxeyso waa in la dilo ama la afduubto oo meel lagu qariyo labadaas mid ayee u badantahay ileen qorshaha ayaa ahaa inee Zahra taxanaha ka baxdo waana qasab inee ka baxdo waxaana cadeyn kuugu filan inee sirtoi Caziiza u sheegtay ee ahed in Miiraan uu dhalay Hazar waxaana loo baahnaa qoyskeeda ine usheegto bedelkii ay Caziiza u sheegi laheed.

3-Miiraan iyo Reyyaan oo ogaaanayaan Caziiza wajigeeda labaad iyo waxa ka dhaxeya iyada iyo Macalin Jabriil Miiraan wuu naxaa markii Macalin Jabriil wiilkiisa Caziiza u imaado misane u sheegaayo in runta aysan qarin karin iyada Caziiza ah wax walbana la ogaan doono goordhow hadalkaasna Miiraan iyo Reyyaan wey maqleen.

4-Miiraan ama ayeeydiisa Caziiza ayuu ku qasbaa inee run walbo u sheegto ama wuxuu aadaa Macalin Jabriil si uu runta ugusoo sheego waa hadii Caziiza ka hor istaagin in Miiraan xaqiiqada ogaado laakiin Miiraan wuu naxsanaa nin sidaas ku aamusaayo ma ahan.

5-Nasuh ayaa laga yaaba inuu ku dhaqaaqo talaabo uu ku joojinaayo Caziiza ama ha noqoto inuu weerar ku qaado ama ha noqoto inuu maslaxo iyo heshiis la galo sababto ah Nasuh ma ahan qof xun sida Caziiza oo kale waxuuna rabaa qoyskiisa inee farxad ku noolaadaan markaana waxay u muuqataa inuu talaabo qaadi doono iyo si uu ku damiyo dabkii uu 28 sano kahor isaga gacantiisa ku shiday.

Dhamaad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here