Atariishada Hazal Kaya waxay sanadkaan bilowgiisa guursatay soo saaraha caanka ah ee Ali Altay waxaana xafladii arooskooda kasoo qeybgalay jilayaal badan oo caan ah kuwaasoo intooda badan horay ula shaqeeyeen atariishadaan.

Hadaba waxaa in mudo ah la is weydiinayay sababta Beren Saat u imaan weysay arooska Hazal Kaya maadaama ay horay uga wada shaqeeyeen taxanaha Ask Mamnu’ kaasoo guul taariikhi ah gaaray waxaana haatan la ogaaday sababta rasmiga ee arinkaas ka dambeysay.

Sababtu ayaa waxay aheyd in Hazal aysan arooskeeda marnaba ku casuumin atariishada Beren Saat sabab la xiriirta in xurguf hore ka dhaxeysay taasoona soo bilaabatay waayihii taxanaha Ask Mamnu’.

Labadaan atariisho ayaa lagu soo waramay iney ismaan dhaafeen waayihii uu socday taxanahaas oo soo baxay 2008dii waxaana la sheegay in kaliya isku imaan jireen xiliga uu muuqaal ka dhaxeeyo si wadajir ahna u duubayaan wax hadal ahna isma weydaarsan jirin.

Sababta xurgufta ayaa waxay tahay loolan dhanka atariishanimo oo taxanaha ku dhex maray labadooda inkastoo atariishada rasmiga aheyd Beren Saat balse Hazal ayaa waqtigaas aheyd atariisho dhalin yar oo markaas soo baxaysay ugu dambeyna iyadaa calaf u heshay atooraha taxanahaas Kivanc Tatlitug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here