Home » Nolosha Jilaayaasha » Maxay Dareenta Kajol Marka Ay Shah Rukh Khan Film La Sameyneso Iyada Ka Jawaabeysa!!

Maxay Dareenta Kajol Marka Ay Shah Rukh Khan Film La Sameyneso Iyada Ka Jawaabeysa!!

Shah Rukh Khan iyo Kajol waa lamaanaha shaashada loogu jecelyahay taariikhda fanka hindiya maadama qaab jiliin ahaan aad iyo aad isku fahamsanyihin sido kalena aflaam Classic ah wada sameyeen.

Hadaba Kajol ayaa muuqaal marti ah kulahaan doonto filmka Zero ee SRK hogaamiyaha ka yahay sida si lamid ahna Rani muqaal marti ah ayee ku leedahay filmkaan.

Kajol xili ay SRK la duubeysay muuqaalkeda martida ayaa saxaafada wareysi la yeeshten waxayna wax ka weydiyeen la shaqeynta SRK.

Xidigtaan ayaa amaan kala dul dhacday SRK waxayna tiri,” waxaan muuqaalo la duubay SRK kudhowaad nus saac xaqiiq ahaan SRK waa atoore wanaagsan qaab jiliin ahaan, aniga marka aan atoore la shaqeynaayo waxaan ugu jeclahay inaan mar walba la shaqeyo SRK waayo dabeecadisa wanaagsan ayaad u xiiseysa iyo sheekadisa kaftanka la jiro.”

“Waxaan la sameyay aflaam dhowr ah mararka qaar waxaan so xasuustaa shaqooyinkii quruxda badnaa ee aan soo qabanay iyo waqtigii wacnaa ee aan soo wadaagnay, waa saaxiibkeyga qaaliga ah taagerahana aan u ahay, waa hubaal hadii aad la shaqeyso isaga (SRK) inaad usoo xiisi doonto la shaqeyntiisa.”

Filmka Zero waxa atirishooyin ka ah Anushka iyo Katrina halka la sheegay Kajol, Rani iyo Juhi Chawla ay muuqalo marti ah ku lahaan doonan ciida masixiga ee nagu soo aadan ayaana la daawan doona.

 

One Response to Maxay Dareenta Kajol Marka Ay Shah Rukh Khan Film La Sameyneso Iyada Ka Jawaabeysa!!

  1. ramos Reply

    January 13, 2018 at 4:18 am

    srk atoraha ugu fiican calamka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *