Ranver Singh ayaa maanta baraha bulshada soo dhigay sawir soo jiidasho leh xili Deepika gacanta ku heyso abaal marinta Filimfare ee Ranver ku guuleystay qeybta atooraha ugu wanaagsan waana abaal marinta sawirkeeda idiin muuqdo.

Abaal marinta ayaa ka sameysan gabar madow sida aad sawirka ka arki kartaan qof walba oo ku guuleysta codeyntana abaal marintaas ayaa lasiyaa oo Best Actor ah waxayna ugu magac daraan “Black Lady.”

Ranver waxuu sawirka soo raaciyay qoraalka ah,”markii marwadeydii yared (Deepika) ay la kulantay marwadeydii madowed” waxuuna ula jeeda abaal marintii aan ku guuleystay Deepika ayaan ku wareejiyay Wayna ku faraxday waliba si weyn bilada aan ku guuleystay.

Dhanka shaqada xidigaan waxuu saxiiXday dhowr Filim sida 83 oo Deepika qarash gareeye katahay misanw atiriisho kowaad ka tahay maanta galinkii horena waxaa la sheegay inuu saxiixday Filimka Mr.India 2 oo la filaayo in la daawado dhamaadka sanadkaan 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here