Maxay Ka Dhaheen Shah Rukh Khan Iyo Priyanka Chopra Goos Gooska Loveratri!!

Waxaa maanta lasoo bandhigay sidaan idiin la wadaagnayba goos gooska kooban ee filmka Loveratri kaaso ay  hogaamiyaal ka yihiin Aayush Sharma iyo Warina Hussain.

Waa film ay kusoo caan baxayaan jilayaashan ayadoo uu soosaarayo Salman Khan, Salman ayaa baraha bulshada soo dhigay dhankiisa goos gooskan uuna ku amaanayo xidigahan cusub.

SRK ayaa Twitter-kiisa ku casuumay sido kalena soo qoray qoraalkan uu kusoo dhawenaayo xidigahan waxuuna yiri,”soo dhowaada dhalinta cusub shaqo quruxu badan ayaad qabateen guul ayaan idiin rajeena.”

Priyanka Chopra oo ayadana aqoon buuxda uleh Aayush sido kalena Salman ay saaxiibo dhow yihiin PeeCee ayaa dhankeeda baraha bulshada kusoo dhaweesay atoorahan iyo atiriishadan cusub waxayna dhahday,”waxaan soo dhaweynaaya lamaanaha shaashada ee Bollywoodka kucusub waxaan sugayaa filmkiina xiisa leh (Loveratri) aad ayaana ula dhacay shaqadiian wanaagsan nasiib wacan ayaan idiin rajeena.”

Aayush Sharma waa seediga Salman Khan waxaana filmkoda la daawan doona 5 Oct sanadkan 2018…