Atariishada Kajol ayaa su’aal aad u adag lagu weydiiyay barteeda Insitagramka kadib markii ay su’aalo furan soo weydiiyeen jamaahiirteeda xili ay ayada barnaamijkaas u furtay.

Kajol ayaa barteeda Instagramka jamaahiirteeda kuweydiisay iney soo weydiiyaan su’aalaha ay rabaan ayadana uga jawaabi doonto waxayna Kajol ka jawaabeysay dhamaan su’aalihii la weydiinaayay noocey doonaan ha ahaadaan.

Su’aalahaas midi ugu adkeyd waxay aheyd markii la weydiiyay hadii ay Boqorka Bollywoodka ee SRK guursan laheyd kahor inta aysan Ajay Devgan la kulmin waxayna Kajol su’aashaas uga jawaabtay si caqliyeysan.

Su’aasha ayaa u qorneyd sidaan; Ma guursan laheyd Shahrukh Khan hadii aadan la kulmi laheyn Ajay Devgan xusuusnow waxaad na tiri waan idiin kaga jawaabayaa dhamaan su’aalihiina.

Kajol ayaa su’aashaas qaab caqli badan uga jawaabtay waxayna tiri; soo ma aheyn arin la rabay talaabada koowaad inuu ninka qaado isla markaasna uu asiga gabadha guurka usoo bandhigo?”

Dabcan Kajol jawaab caqliyeysan ayay dhiibtay maadaama SRK inta aysan guursan kahor ay ka horeeyso in asiga guur kasoo dalbado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here