Atariishada caanka ah ee Bollywood Vidya Balan waxaa lagu garanayaa inay maankeeda ka hadasho inta badan, sidoo kalena u dooddo xuquuqda haweenka, iyadoo inta badan ku dhiirigelisa haweenka in Bollywood loogala dhaqmo sida ragga oo kale.

Abaalmarinta National Award ayey ku guuleysatay Vidya Balan maadaama ay tahay badan dirto baaqyo kalsooni ku dheehan tahay, sidoo kalena ay tahay shaqsi leh xirfad jilliin heer sarre ah.

Balse inkastoo ay gaartay guulahaas iyada ka dhigay mid ka mid ah atariishooyinka la ixtiraamo ee Bollywood – hadana Vidya Balan marwalba waxay wajahdaa su’aalo ku cusub oo ay la yaabto marka ay warbaahinta hor istaagto!

Iyadoo shir jaraa’id qabatay, Vidya ayaa wax laga weydiiyey cayilkeeda, waxaana uu wariye ka mid ah warbaahintii goobta joogtay ku dirqiyey su’aal la xiriirta haddii ay ku fikirtay inay miisaankeeda dhinto, si ay ugu sahlanaato inay sameyso door walba oo loo soo bandhigo?

Vidya su’aashaas waa ay la yaabtay, waxayna ku jawaabtay: “Waan ku faraxsanahay shaqada aan haatan qabanayo. Wax fiican ayeyse kuu noqon laheyd haddii aad bedeli karto aragtida dadka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here