Maxay Tahay Mega Star Salman Khan Saq Dhexe Habeenimo Uu Sameyo Wax Ka Ogow!

Mega Star Salman Khan ayaa soo gaba gabeynaya howshiisa filmka Race 3 kaaso la daawan doono 15 June ee sanadkaa 2018.

Hadaba Ali Abbas Zafar ayaa baraha bulshada ku shaaciyay sido kalena so dhigay Video Salman oo xili dambe habeenki jimicsi sameynayaa iyo tabobar dhanka jirka ah.

Waa arin ka yaabisa taagerayasha Sallu maadama xiligaas dadka wada hurdaan uu isaga goaansaday inuu jirkiisa dhiso balse akhriste Sallu jadwalkan waxuu soo bilaaway markii uu duubayey filmkiisa Sultan.

Sultan intii uu duubayey Salman waxuu habeen walba xiliga dambe saacadana ku beegantahay 2:00 am ayuu jilaagan sameyn jiray tabo bar dhanka jimicsiga ah si uu oga run sheego doorkisa filmka.

Balse Salman jadwal ayee u noqotay oo wuu la la qabsaday xiligaas haderna habeen walba waxuu soo kacaa xiligaas isagoo habeenki dhaqsi seexdo si uu xiligaas uso kaco una sameyo jimicsi adag.