Maxay tahay sababta aadan u qubeysan Karin xiliga hilaaca iyo onkodka dhacayaan?

0
936

Waxaa laga yaabaa waxyaabo badan oo markii aad yareyd lagaaga sheekeyn jiry iney khuraafaad yihiin run kugu noqdaan mararka qaar isla markaasna ay sax noqdaan.

Waxyaabaha dadkii hore isaga digi jireen balse maanta si sax ah la isaga digo waxaa kamid ah qubeyska xiliga hilaaca roobka dhacayo kaasoona naftaada halis galin karo sabab la xiriirta maasada uu hilaaca xambaarsanyahay.

Xiliga roobka uu da’aayo inta badan waxaa dhaco hilaac kaasoona wado koronto waxaana dhici karto in maasada uu hilaaca wado soo raacdp biyaha tubada qubeyska waxaana dhamaanteena wada ognahay in biyaha ay korontada si toos u gudbiyaan marka hadii tubadaada qubeyska biyaha ay wado ku xiriirsan yihiin kuwa hilaaca saameyna ku yeeshay waxaa dhici karto in maasadaasi ku qabato waana khatar kusoo wajahday oo halisteeda leh.

Intaas kaliya kuma koobna sidoo kalana waxaad halis gali kartaa adoon qubeysaneynin balse biyo maaso xambaarsan isticmaashid sida inaad tubada alaab ku dhaqdo iwm.

Hada waxaan kugula talineynaa inaad joojisid isticmaalka biyaha tubada xiliga uu hilaacu dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here