Ahan Shetty waxaa aabo u ah halyee Suniel Shetty dhawaan ayuuna Bollywood-ka kusoo biiri doonaa wuxuuna kusoo caan baxaa dib u sameynta filimka RX 100 ee Telugu ah asigoo Hindi ama Bollywood ah la sameenayo waxaana la jileyso atirishada Tara Sutaria.

Haddaba Ahan Shetty ayaa bartiisa Instagram-ka kusoo qoray “Mumbai waxaan kuu xiiso doonaa waxaana dib kuugu soo laaban doonaa bisha December.” Waana qoraal hadal heyn badan abuuray lana is weydiinayay waxa uu Ahan ka waday hadalkaan mal dahan.

Balse subaxan ayaa jawaabta la helay kadib markii la arkay Ahan Shetty oo boorsadiisa wato kana baxaayo Airport-ka Mumbai waxaana la socday Director Milan Lutharia waxayna kusii jeedaan gobolka Uttarakhand kaasi oo Waqooyiga Hindiya ku yaalo waxaana halkaas ka bilaaban doonon jadwalka xiga Ahan filimkiisa oo horey jadwal kooban Mumbai lagu duubay.

Ahan Shetty wuxuu gobolka Uttarakhand joogi doonaa ilaa bisha December ee dabyaaqada sanadka madaama inta badan filimkiisa Taddap loogu yeero halkaas lagu duubi doono sidoo kalena jadwalkan waxaa soo xaadiri doonto Tara Sutaria waxaana dhawaan lagu dhawaaqi doonaa jilaayaasha kale ee doorka muhiimka ah mashruucan ku yeelan doonaan waxaana soo saare ka ah Sajid Nadiadwala halka qorshaha uu yahay xagaaga dambe 2020 in la daawado Ahan filimkiisa kowaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here