Xidigaha Mohamed Salah iyo Kevin De Bruyne ayaa haatan kamid ah xidigaha ugu laacibsan Horyaalka EPL ayadoo sanadk kahor labadooda ku tartameen laacibka ugu fiican Horyaalka EPL xiligaas oo uu ku guuleystay laacibka kooxda Liverpool ee Salah.

Hadaba waxaa jirtay xili labadaan Player ay ka tirsanaayeen kooxda kubada cagta Chelsea kuwaasoo aan sidii larabay uga faa’ideysan isla markaasna Horyaalada Germany iyo Italy ka kala iibiyay.

Hadaba maxay tahay sababta Chelsea xidigahaan fursad u siin weysay maadaama ay lahaayeen hibo sare oo ay u fasaxday?

Suaashaan ayaa waxaa la waydiiyay kabtankii hore ee kooxdaas John Terry wuxuuna ku jawaabay sidaan; “markii ay kooxda joogeen ma aysan laheyn mustawo ku filan oo ay kooxda Chelsea ugu cayaaraan waxayna aadeen horyaalo kale ayagoo naftooda halkaas ku muujiyay”.

Terry oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri; “waxay kusoo aadeen waqtigii Jose Mourinho uu kooxda maamulayay ayagana waqtigaas marnaba awood uma laheyn iney hirgaliyaan falsafadii jose ee waqtigaas”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here