Bhumi Pednekar waxay ka mid tahay atirishooyinka aan la buun buuninin balse door kasto sameyn karo sidoo kalena ku caan baxday kaalinta ay aflaanta qaadato waxayna haatan banaanka soo dhigtay arin nolosheeda gaarka ah quseyso oo xiiso badan xidigtan caanka ah.

Bhumi waxay sheegtay inaysan marnaba shukaansan doonin atoore filimada kasoo muuqdo ama nolosha la wadaagi doonin sababtana waxay tahay in atirishadan ka dhawaajisay haddii atoore ay xirfad wadaag yihiin shukaansato kaliya nolosheeda filimada ka dhex baxeyn kuna caajiseyso.

Bhumi Pednekar waxay rabtaa inay nolosha la wadaagto oo ay is fahmaan nin aan fanka shaqo ku laheyn si nolosheeda u dheeli tirnaato arimaha shaqadana nolosheeda gaarka ah saameyn ugu yeelanin sidoo kalena indhaha saxaafada markaas kasii jeesan doonaan.

Bhumi Pednekar waa gabbar shaki badan sidoo kalena aan nolosheeda ku aamini karin atoore ama qof caan ah waxay rabtaa nolol dagan oo ninka ay wehel ka dhiganeyso qof xirfad aan fanka aheyn leh si jawi dagan ugu nolaato waana arinta dhabta ah oo ay banaanka soo dhigtay atirishadan.

Bhumi Pednekar shaqo ahaan waqti wacan ayay ku jirtaa madaama filimkeedii Pati Patni Aur Woh oo ay la sameesay Kartik Aaryan iyo Ananya Pandey HIT noqday sidoo kalena filimada Durgavati iyo Takht ayaa u saxiixay waana labo filim oo waa weyn lana daawan doono sanadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here