Maxay Tahay Sababta Deepika Padukone Filmo Badan U Sameyn La’dahay Caqabad Noocee Heesata Atirishadan!!

Deepika Padukone waxay kamid tahay atirishooyinka ugu wanaagsan dhanka qaab jiliin ahaan iyo kuwa ugu awooda badand dhanka Box-office-ka ayadoo guusheda badantahay.

Deepika waxaa lagu dhaliilay mudadii u dambeysay in aflaamteda ay yaraaden sido kalena kursigeedi ay hogaanka Bollywoodka ku heysay haatan lagala wareegay oo Alia Bhatt si fudud ug fariisatay.

Deepika 2 sano lasoo dhaafay waxay kaliya sameysay hal film kaaso ah Padmaavat hadana Padmaavat kadib hal mashruuc kaliya aye saxiixatay hadana mashruucas maba dhaqaaqayo oo dib udhaciisa aya batay waana mashruuca Irrfan khan isla jilayaan.

Maxa tahay sababt Deepika dib dhacan ugu yimid:

Markii hore waxay ku mashquulsaned mashruuceda weyn ee Padmaavat ayadoo hadana ku mashquushay Hollywoodka Bollywoodka oodhan iska hilmaamtay mida kowaad ee u diiday iney filmo badan sameyso sidii markii hore waxay tahay in waqtigeda ay u qeybisay Padmaavat iyo shirkada Hollywoodka ah maadama howsha Padmaavat 2 sano kahor soo bilaawatay.

Marka labaad ama waqtigaan la joogo maxaa udiiday Deepika inee mashaaric badan saxiixato jawabta waxay noqoneysa door ku haboon aye xidigtaan la’dahay ama mashruuc xiiso galiya.

Sida wararka sheegayan waxaa loo soo bandhigay filmo badan kadib Padmaavat markii la daawaday dhamaantodna wey iska diiday sameyntooda hal film kaliya aye ka reebatay kaaso ah filmka uu Director-ka yahay Vishal Bharadwaj oo ay Irrfan Khan wada sameynayaan.

Deepika waxay dooneysa inee film walba oo ay hada kadib sameyneyso ay hogaamiye ka noqoto sida Padmaavat oo kale ama ugu yaraan doorkeda iyo doorka atooraha isku mid noqdaan waana goaankii ay hoosta ka xariiqday xidigtaan.

Waana sababta keentay in ay filmo badan diido kaliyana doorato Irrfan Khan filmka ay la wado kaaso boqorada Mafia-yada Mumbai ay ku jileyso maadama ay ka door weyntahay Irrfan mashruucana ay hogaamineyso.

Hadaba taagerayaasha Deepika waxaa loo sheegaya in atirishadan caqabada heesata ay tahay in filmo u qalma ay la’dahay ama doorarka ay rabto kuwaaso ah hogaamin film sida Padmaavat oo kale….