Maxay Tahay Sababta Hrithik Roshan Aabihiisa Rakesh Roshan Madaxiisa Lagu Arki Waayay Timo Isagoo Mar Walba Ah Mid Xiiran:

0
895

Hrithik roshan aabihiisa ninka lagu magacaabo rakesh roshan waa mid ka mid ah directorada ugu fiican shirkadda bollywoodka isagoo sameeyay aflaamo hit noqday sida Karan arjun, Ka hoona pyaar hai, Koi mil gaya Krish, Koyla iyo aflaamo kale oo badan

laakiin Rakesh roshan waayihiisa fanka kama uusan bilaaban inuu noqdo director sababtoo ah marka uu fanka soo galaayay waxa uu ahaa aktar aad u qurux badan isagoo fanka ku soo biiray sanadkii 1980 waxaa uuna kusoo caan baxay filimka lagu magacaabo Aapke deewane

waxa uuna filimkaas noqday flop waxaana aktar isku xijiyay dhawr aflaamood oo flop ah ka dib marka uu waayay ayaa waxa uu isku badalay filim soo saare isagoo sanadkii 1987  filimkiisa ugu horeeyay ee uu qarash-gareeyo waxaa lagu magacaabo Khudgarz

Rakesh roshan ayaa markaas balan-qaaday inuu filimkan guul weyn gaarin doono isagoo madaxa iska xiiray sidoo kalena sameystay sida ay hinduuga u yaqaanan ducadooda waxaana si la yaab leh filimkaas uu ku noqday hit

waxaana markaas iyo wixii ka dambeeyay go’aan ku gaaray inuu madaxiisa xiir-naado sidoo kalena aflaamtiisa magacyadooda ay ka bilaanan-doonan xarafka k sids ka hoona pyaar hai koyla karan arjun koi mil gaya krish iyo aflaamo kale oo badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here