ma jirto la yaab ka weyn marka aad maqasho Salman inuu isaga baxay filimka Inshallah waana arrin la yaab ku noqotay Bollywoodka kaaso ay la waday atariishada Alia Bhatt halka uu Director ka yahay Sanjay Leela Bhansali waxaana la qorsheenaayay in la daawado Eid 2020

laakiin hadda waxaa si weyn u niyad jabsan taageerayaasha Salman Khan iyo Alia Bhatt maadaama Salman Khan maalintii shalay uu shaaca ka qaaday in filimka Inshallah Eid 2020 la daawan doonin waxaana arrinkan loo fasirtay noor sheeko oo kala duwan iyo inuu qilaaf ka dhaxeeyo Sanjay Leela iyo Salman Khan

haddaba waxaa lasoo ogaatay sababta ka dambeesa Salman Khan ku kaliftay inuu isaga baxo filimka iyadoo markii hore mashruucan lagu dhawaaqaayay Director Sanjay Leela Bhansali uu qoray sheekada filimkan kaaso uu ka helay aktarka Salman Khan sidoo kalena ogalaaday inuu filimkan hogaamiye ka noqdo

laakiin dhawaan Directir Sanjay Leela Bhansali waxa uu mar kale qoray sheekada filimkan isagoo ka badalay qaybo badan taaso Salman Khan si weyn u caro gelisay maadaama Salman Khan uu neceb yahay faro-gelinta ama in la badalo doorka uu aflaamta ku leeyahay sababtoo ah aflaamta ugu dambeeyay aktarkan uu jilo waxa uu la siiyay door awood badan oo ka saamayn badan jilaayaasha kale ee isaga filimka kaga soo muuqanaayaan

waxaana arrinkan ay keentay inuu Salman Khan gabi ahaanba isaga baxo mashruucan maadaama uusan ka helin arrinka uu sameeyay Director Sanjay Leela Bhansali waxaana durba Salman sheegay inuusan ka baaqsan doonin Eid isagoona sheegay inuu la imaan doono filimka Kick qaybtiisa labaad
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here