Tusshar Kapoor iyo Kareena Kapoor waxay kamid ahaayen lamaanayaashii shaashada jaceylka kusoo bandhigeen bilawgii qarnigaan inkastoo aflaam yar ay isla sameyeen hadana Filimadooda jaceylka ay kujileen wali waa kuwa la jaceylyahay.

Mujhe Kuch Kehna iyo Jeena Sirf Mere Liye ayaa kamid ah Filimadooda jaceylka ay isla hogaamiyeen xantii xiligaas laga qoray intii udhaxeysay 2001-2002 waxaa kamid ah in Tusshar jaceyl u qaaday Kareena balse uusan calfan.

Waa kuma Kareena atooraha aan damac ka galeynin ama dareen jaceyl u qaadeynin waliba xiligaas aad ayee u yared waana xiligee ugu qurux badneed Tusshar ayaa Bebo ka helay intee duubayeen Mujh Kuch Kehna Hai waana Filimkiisa kowaad ee uu Bollywoodka kusoo galay atoorahan halka iyada Filimkeeda labaad uu ahaa.

Tusshar waxkale ma uusan sameynine deg deg ayuu jaceylkiisa ugu bandhigtay Kareena intee duubista socotay waxuuna isdhahay hadii aad fursadan isdhaafiso Kareena qofkale ayaa kaa dulqaadayo xiligaasna atoorayaal badan ayaa doon-doonayeen xidigtaan.

Balse Kareena ma aysan rabin Tusshar waligeedna damac kama galin walaalked iyo saaxiibked ookale ayee ka dhigatay waxaa la sheegay iney tiri,”soo ma ogid inaa tahay ina adeerkey (reer Kapoor isla nahay) marka walaalkey ayaa tahay anigana waqtigaan xiriir umasoo jeedo ujeedkeyga waa inaan heer ka gaaro shaqadeyda.”

Tusshar wuu ka niyad jabay diidmada Kareena kadib waxuu la sameeyay Jeena Sirf Mere Liye isagoo careysan wixii ka dambeyayna waxuuba ogaaday inee xiriir la leedahay Shahid Kapoor faraha ayuuna isaga qaaday.

Dhanka kale Kareena waxay la saaxiibtay Hrithik Roshan iyo Shahid Kapoor midkoodna ma calfan ugu dambeyna Saif Ali Khan ayaa guursaday halka Tusshar ilaa iyo hada uusan guursanin balse nidaamka bacraminta ayaa wiil loogi dhalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here