Labada guusha u saaxiibka ah Aamir Khan iyo Kareena Kapoor Khan ayaa 7-sano kadib shaashada dib ugu midoobi doonaan waxayna haatan isla sameenayaan filimka sida weyn loo wada sugaayo Laal Singh Chaddha ayadoo la xasuustay Bebo iyo Mr. Perfectionist wacdaraha ay shaashada ka dhigeen markii ay isla sameeyeen filimada 3 Idiots iyo Talaash.

Kareena Kapoor Khan ayaa la sheegay in maal mihii ugu dambeeyay guriga Aamir Khan si joogto ah u booqaneesay waqti dambe waxayna arinkaas dhalisay in la isweydiiyo sababto Bebo ugu noq noqoneyso guriga Aamir Khan.

Kareena ayaa la sheegay inay dooneyso doorkeeda filimka Laal Singh Chaddha inay 100% u cadaalad fasho sidaa darteed isku diyaarinta doorkeeda iyo aqrinta sheekada ay ku leedahay filmkan ayaa daruuri u noqotay inay Aamir Khan la talo wadaagto madaama uu mashruucan soo saare ka yahay.

Aamir ayaa Kareena u sheegay in filimkan uu ka duwan yahay aflaantii ay horey usoo wada sameeyeen door ahaana dhib badan yahay madaama muuqaalo mar ayagoo College dhiganayaan 20-jir ah sameenayaan marna muuqaalo ayagoo 40-sano dhaafeen dib u kulmayaan la duubi doono sidaa darteed Kareena inay guriga Aamir ku laab laabto waxaa ugu wacan doorka dhibka badan ee lagu aaminay iyada rabto inay u cadaalad fasho.

Filimka Laal Singh Chaddha waxaa Director ka ah Advait Chandan oo horey u sameeyay filimkii la wada amaanay Secret Superstar waxaana mashruucan Aamir iyo Kareena ku midoobeen la daawan doonaa Christmas 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here