Filimka Baaghi 3 ayaa saakay qaab aad u liito misna laga fileynin marnaba ku furmay asigoona wararka hordhaca sheegayaan in 15% kaliya ku furmay waana arin niyad jab weyn ah.

Balse 2daan arimood ayaa u sabab ah in filimkaan bilaabasho liidato sameeyo.

Mida koowaad waxay tahay shirkada Fox Star oo filimkaan iska leh ayaa arin khalad ah ku kacday kadib markii kooxaha tiyaatarka Single Screenska leh shuruud uga dhigeen in filimka Laxxmi Momb tiyaatarada ugu badan la siiyo markii la gaaro ciidul fidriga maadaama ay isku dhacayaan filimka Radhe oo qeybinta cajaladihiisa masuul ka tahay shirkada Yesh Raj films.

Fox Star ayaa ka cabsi qabaan in Ciidul fidriga tiyaatarada ugu badan la siiyo filimka Radhe sidaas owgeed waxay go’aansadeen in Baaghi 3 ku dagaal galaan balse talabadii koowaad kuma guuleysan taasoona keentay in filimka Baaghi 3 aanan subaxaan waqooyi laga saarin tiyaataraa Single Screenska gaar ahaan suuqa ugu weyn ee Delhi/Up.

Filimada Laxxmi Bomb iyo Radhe oo ay kala hogaaminayaan Super Star Akshay Kumar iyo Mega Star Salman Khan misna cajaladihiisa qeybinayaan shirkadaha Fox Star iyo Yesh Raj Films ayaa Box Officeka ku dagaalami doono Ciidul fidriga kuna beegan 22da bisha May 2020ka.

Arinta labaad ayaa ah in kor u kaceen kiisaska caabuqa Corona-Virus ayadoo haatan la sheegaayo in India laga helay ilaa 50 kiis oo Corona-Virus ah waxaana dadka qaar soo wajahday cabsi ah in cudurka ku dhaco ayagoona ka cabsaday goobaha la isugu yimaado.

Labadaan arin oo is biirsadeen waxay caqabad ku noqdeen ganacsiga maalinta koowaad ee filimkaan.

Wixii warar Update kusoo kordho arinkaan kala soco shabakada Filimside.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here