Shah rukh khan waa aktar ugu caansan gudaha bollywoodka iyo daafaha caalamka isagoo magacaas ku sameeyay aflaamo classic ah iyo bandhig cajiib ah

Shah rukh khan waxa uu fanka jilida soo galay sanadkii 1992 isagoona kusoo caan baxay filimka classicada ah ee deewana kaaso ay la wadayn Rishi kapoor iyo Devya bharti

laakiin Shah rukh khan dhawaan wareysi uu bixinaayay ayaa waxa uu ku shaaciyay arrin si weyn kaga yaabisay taageerayaashiisa ka dib markii uu sheegay inuu weligiisa uusan daawanin filimka deewana kaaso uu isaga kusoo caan baxay

Shah rukh khan oo arrintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri ” aniga weligay waxan lahaa dabeecad ii qaas ah kaaso ah aniga ma jecleesan qaabkii aan u sameeyay filimka Deewana

sababtoo ah waxaan ka maray dhibaato badan sidaas darteed aniga kuma raaxeysan karin daawashada filimkan maadaama maskaxdeeda ay ka guuxeyso dhibaato aan filimkan ku sameeyay laakiin dadka waxa ay in badan ii sheegaan inay ku raaxeytaan daawashada filimkan “

Shah rukh khan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay jirto aflaam badan u sameeyay uusan daawanin sababo la xariirka dhibaatada adag ee aflaamtaas uu ku sameeyay dhanka shaqada Shah rukh khan filimkiisa ugu dambeeyay ee tiyaatarada loo saaray waxa uu ahaa filimka zero kaaso si weyn u fashilmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here