Sidaan wada ognahay Filimka Darr waa mashruuc kala geeyay oo isku diray halyee Bollywood kala ah Sunny Deol oo dhinac ah iyo Shah Rukh Khan & Yash Chopra sababtana waa in Filimsameyahan khalad ka galay Sunny Deol.

Laakiin Juhi Chawla kuma jirto waxaa la sheegay in Sunny wacad ku maray dhamaan jilayaasha Filimka Darr la shaqeyn doonin abid maadama uu kawada carooday laakiin sheekada sidaas ma ahan SRK iyo Yash Chopra ayuu go’aan ka gaaray inuusan la shaqeynin xitaa shirkadiisa Yash Raj Filims.

Labo suaal ayaa is weydiin mudan oo kala ah maxuu Sunny Deol ugu carooday SRK iyo Yash Chopra? Mida kale Sunny Deol miyuu cuqdad u qaaday Juhi Chawla xitaa.?

Darr waa Blockbuster la daawaday 1993 Sunny Deol, Shah Rukh Khan iyo Juhi Chawla na ay hogaamiyeen hadaba labadan suaal jawaabahooda rasmiga ah hoos kaga bogo:

Mida Kowaad: Sunny Deol waxaa lagu sameeyay qiyaano ku aadan in muuqaalo qaar uusan rabin laga duubay sida muuqaalka tooreyda ama mindida caloosha laga galinaayo raali kama ahen oo Yash Chopra ayaa kudarsaday in badan ayuuna xidigaan ka dooday muuqaalkaas waxuuna yiri,”sidee macquul ku tahay anigo Filimka kujilaayo askari kumaandoos ah in mindi caloosha la iga galiyo anigo ujeedo.”

“Waliba uu iga galiyo wiil yar oo aan tababar xitaa heysan hadii dhabarka la iga galinaayo waa macquul oo waa gaadmo ayaa la dhihi lahaa laakiin raali kama ahi in anoo u jeedo la iga duubo muuqaalkaas” xidigaan in badan ayuu la dooday laakiin markii dambe waa lagu qasbay.”

Mida kale dhamaadka Filimka markii SRK la dilo heshiisa waxuu ahaa inuusan hadlin laakiin Yash Choora gadaal dambe ayuu kaga daray codka SRK oo sii yeerayo isagoo “Kiran” ku qeylinaayo qodobadaas iyo kuwa kale waa kuwa SRK hadal heynta mashruuca kula wareegay midaasna Sunny Deol kaga xanaaqay.

Qiyaanadii Yash chopra u geestay iyo SRK oo magac kuhelay mashruucan Sunny Deol lagu qiyaanay waa sababta uu labadooda ugu carooday mudo sanado badanna lama uusan hadli jirin.

Mida Labaad: Juhi Chawla iyo Sunny Deol ilaa 5 Filim ayee wada sameyeen 3 kamid ah isla sanadii 1993 ayee duubeen halka sanadii 1999 ay la yimaadeen mashruuca caanka ah Arjun Pandit marka xanta sheegeysa in Juhi Chawla iyo Sunny Deol is dagaaleen meesha maba kujirto.

Waa labo jilaa xushmad isku hayeen waligood wada shaqeyn qurux badana dhexmartay Sunny Deol aad ayuu u jeclaan jiray inuu Juhi shaashada la wadaago inkastoo Darr uu la rabay atiriishada Divya Bharti inee la sameyso hadana wada waxaa xaqiiq ah in saaxiibtinimadooda marna xumaan isku bedelin ilaa iyo hada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here