Waxaan saakay idinla wadaagnay in filimka Tanhaji uu cagta mariyay lacagihii ay 3da maalin ugu horeyso todobaadkooda koowaad keeneen filimada sanadkii hore Blockbusterka noqday ee Kabir Singh iyo Uri – The Surgical Strike asigoona soo xareeyay 47.50 crore waana lacago aad u badan.

Sidoo kale waxaan idinla wadaagnay in Tanhaji uu Super Hit yahay sidoo kalana uu noqday filimka lacagaha ugu badan 3diisa maalmood ugu horeyso tan iyo filimkii Sanju ee soo baxay 2018dii.

Hadaba maxay tahay sababta kahor taagan in filimkaan Blockbuster noqdo?

Ugu horeyn filimkaan wuxuu ganacsi waali ah ka sameynayaa gobolka Maharashtra asigoona halkaas Blockbuster weyn ka noqday gaar ahaan magaalooyinka Pune iyo Mumbai maadaama sheekada filimkaan ay gobolkaas ku saabsantahay.

Balse filimkaan wuxuu ganacsi caadi ah oo iska dhex dhexaad ka sameynayaa gobolada waqooyi iyo kuwa bari asigoona qaab Average halkaas uga gadmaayo gaar ahaan Delhi/Up iyo East Punjab waxaana hubaal ah hadii halkaasi uu siweyn kaga gadmi lahaa in filimkaan Blockbuster noqon lahaa.

Tanhaji wali jaanis uu Blockbuste4 ku noqdo wuu heystaa balse filimkaan inuu waqooyi India ka liito ayaa ah caqabad hor taagan ganacsiga filimkaan waxaana xusid mudan in waqooyi kamid yahay suuqyada ugu waaweyn uguna lacagta badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here