Fariidka Bollywood-ka waxaa lagu wadaa dhawaan shaqada filim jilista inuu dib ugu soo laabto kadib markii bisha malabka uu lasoo qaatay xaaskiisa Natasha Dalaal oo ay 24-kii Janaayo is guursadeen lamaanahan waxaana haatan xiiso la qabaa kusoo laabashada Varun shaqadii lagu yaqiinay madaama xidigan taageerayaal fara badan ku leeyahay gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Haatan Varun Dhawan wuxuu lasoo laabtay shuruud lama filaan ah oo ku aadan inuusan wax xayeysiin ah shirkadaha kala duwan u sameen doonin sedexa bilood nagu soo fool leh taasi oo ka dhigan in TV-yada iyo Internet-ka lagu arki doonin xayeysiin cusub oo Varun kasoo muuqanyo sedexda bilood soo aadan inkastoo meeshaas lacag ku dhaafeyso haddana maxay tahay sababta uu go’aankaas u qaatay?

Varun Dhawan go’aan wuxuu u qaatay inaan la arkin muuqaalkiisa uu ku jilaayo filimka weyn uu hogaamiye ka yahay Bhediya waxaana Director ka ah Amar Kaushak sidaa darteed xidigan wuxuu doonayaa muuqaalkiisa inaan saaxada lagu arkin sedexda bilood ee uu filimkan duubayo si aanba loo ogaan qaabka uu mashruucan shaashada kaga soo muuqan doono.

Varun Dhawna iyo koxda filimka Bhediya waxay u safrayaan deegaanka Arunachal Pradesh ee ku yaalo Waqooyi Bari Hindiya ayagoo halkaas joogi doonaan mudo labo bil iyo bar ah. Wuxuuna doonayaa Varun doorka uu filimkan ku jilaayo muuqaal ahaan inaan waxba laga ogaanin asigoo sheegay xagaaga nagu soo fool leh marka uu Mumbai dib ugu soo laabto inuu dib u bilaabi doono duubista xayeysimaha kala duwan ee uu shirkadaha caanka ah u sameenayo kuwaas oo uu ka codsaday mudo sedex bilood ah inay sugaan.

Dhinaca kale Varun Dhawan waxaa u diyaarsan filimka Jhug Jhug Jiyo oo ay isla jilayaan Kiara Advani, Anil Kapoor iyo Neetu Kapoor waxaana lagu wadaa filimkan fariinta arimaha qoyska xambaarsan bilaha June ama July ee sanadkan la daawado waxaana soo saare ka ah mashruucan xiisaha badan Karan Johar shirkadiisa Dharma Productions.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here