Maxay tahay sababtii uu jilaaga George Clooney u basaasi jiray madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir?

0
1038

George Clooney waa mid kamid ah jilayaasha ugu magaca waaweyn shirkada aflaamta ee Hollywoodka sidoo kalana kuwooda ugu dakhliga badan ayuu kamid ahaa balse jilaagaan wuxuu aad u necbaa madaxweynihii hore ee Suudaan Al-bashiir asigoona dhowr mar ku eedeeyay dambiyo dagaal oo lid ku ah banii’aadanimada.

George Clooney ayaa hada kahor laweydiiyay sida uu ka yeelo lacagaha kasoo galaan xayaysiimada kala duwan uu sameeyo khaasatan kuwa Coffega uu ku xayaysiiyo taasoo ah lacag aad u badan wuxuuna ku jawaabay inuu lacagtaas ku dabaro dayax-gacmeed wax basaaso kaasoo shaqadiisa ay tahay inuu la socdo dhaqdhaqaaqa Al-Bashiir.

George ayaa sidoo kale sheegay in waajib tahay in lasoo xiro maadaama uu dambiyo dagaal kala duwan uu galay.

George Clooney ayaa 2012dii xabsiga loo taxaabay kadib markii uu qeyb ka noqday banaanbax rabshado watay kaasoo ka dhacay safaarada Suudaan kuleedahay mareykanka hortiisa balse markii dambey ayaa lasii daayay.

Ugu dambeyn sanadkii 2015tii ayuu George Clooney joojiyay dagaalkii halka dhinac ahaa uu kula jiray Al-Bashiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here