Maxay tahay sirta qarsoon ee ka dambeysay iney fanka isaga baxdo fanaanada Nicki Minaj? Iyo sababta oo kaa yaabin doonto.

0
1093

Fanaanada caanka ee Nicki Minaj ayaa isbuucii hore ku dhawaaqday iney gabi ahaanba joojisay howlihii fanka isla markaasina mardambe heeso iwm soo qaadi doonin.

Nicki Minaj ayaa sabab uga dhigtay in ka bixitaanka fanka ay imaaday maadaama uusoo dhawaaday guurkeeda isla markaasna ay dooneyso in nolol u khaas ah misna fanka ka baxsan abuurato nolosheeda iyo qoyskeedana u go’do.

Qoraalka ay Nicki Minaj fanka uga fariisatay kaasoo ay soo dhigtay barteeda Instagramka ayaa helay ku dhawaad nus malyuun Share ah iyo in kabadan 100k oo Like si lamid ah kumanaan kale ayaa Comment ka dhiibtay kuwaasoona doonayay iney go’aankeeda ka laabato fankana dib ugu soo laabato.

Hadaba saxaafada oo arinkaan wax ka qortay ayaa ku tilmaantay kabixitaanka fanka ee Nicki Minaj inuu yahay kaarto ay dooneyso iney shacbiyad balaaran ku hesho sidoo kalana dadku soo xiiseeyaan dibna usoo laabato maadaama uu fashilmay bandhig faneedkeedii ugu dambeeyay kaasoo qorshihiisu ahaa in bishii Agoosto een kasoo gudubnay ku tagi laheyd waqooyi ameerik.

Nicki Minaj ayaa rabtay in waqooyi ameerika ku qabato shaw kaasoo ay ka qaadi rabtay heesaha albunkeedii loo yaqaano QUEN ee soo baxay 2018dii balse shawgaas ayaa marar badan dib loo dhigay sabab la xiriirto soo saaristiisa iwm.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here