Karan Johar waa filmsameye iyo film maalgaliye kana shaqeya shirkada Bollywooka sido kale Rana Daggubati waa jilaa reer koonfur ah inta badana kasoo muuqda aflaam koonfur ah.

Ugu dambeyn Ranbir Kapoor ayaa ah xidig caan ah kaaso ka xamaashta Bollywoodka hadaba dadka ayaa in badan is weydinaayo waxaa sedex daan shaqsi ay ka simanyihiin.

Akhristow shaqsiyaadkan caanka ah waxay kasimanyihiin oo u dhaxeeyo ninka caanka ah kaaso jirdhiska dhankiisa looga haray laguna magacaabo Kunal Gir.

Kunal Gir wa nin Hyderabad degen kuna leh xarun weyn oo jirka lagu dhisto waana nin Rana jirka dhisan kasoo saaray qaasatan Rana muuqaalka uu Baahubali 2 sameystay ee ahjirkaas dhisan aad aragtay waa ninka kadambeya ama Rana macalinkiisa jirdhiska ah.

Sido kale Ranbir Kapoor ayee ninkaana saaxiib yihiin maadama Ranbir tabobar yaal kala duwan uu la kulmay ugu dambeense wuxuu kahelay Kunal oo tabobar culus siiyo.

Ranbir ayaa kufikiray inuu isbaro Karan Johar iyo Kunal Gir wuuna is baray waxaana la sheegay in Karan hadeer jirdhis waali ah uu wado miisaankisa wax badan ka dhimaayo.

Sidaa awged Karan, Rana iyo Ranbir waxay kasimanyihiin inee hal macalin oo dhanka jirdhiska u qaabilsan ay leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here