Maxkamada dambiyada aduunka iyo Israel oo qoorta iskula jira. Maxaa soo kordhay??!

0
302
On 8 July 2019, the confirmation of charges hearing in the case The Prosecutor v. Al Hassan Ag Abdoul Aziz Ag Mohamed Ag Mahmoud opened before Pre-Trial Chamber I of the International Criminal Court (ICC), composed of Judge Péter Kovács, Presiding Judge, Judge Marc Perrin de Brichambaut and Judge Reine Alapini-Gansou. The hearing is scheduled until 17 July 2019. The judges will hear successively the oral submissions of the Prosecutor, the Legal Representatives of the Victims and the Defense.

Jimcihii shalay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa waxay soo saartay go’aan lagu baarayo suurtagalnimada dambiyadii dagaal ee ka dhacay dhulalka Falastiiniyiinta ee ay xooga ku heystaan Israel, kuwaasoo la qabsaday wixii ka dambeeyay sanadkii 1967dii, taasoo keentay inuu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu cambaareeyo go’aanka oo uu ku eedeeyo maxkamadda inay tahay hay’ad siyaasadeed.

Qoraalka go’aanka waxaa lagu sheegay in “Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ay ogolaatay in la baaro dembiyada dagaal ee suurtagalka ahaa kuwaasoo ay suuragal tahay in Israa’iil ka geysatay dhulka Falastiin. Waxay maxkamada go’aamineysaa in awooda baaritaan la gaarsiiyi dhulalka ay maamusho Israa’iil, kuwaasoo ay la wareegtay wixii ka dambeeyay tan iyo dagaalkii lixda maalmood ee 1967dii.”

Garsoorayaasha ayaa sidoo kale go’aankooda ku sheegay in Falastiin ay tahay dowlad la aqoonsanyahay, sidaas darteedna heshiiskii Rome wuxuu khuseeyaa dambiyadii halkaas ka dhacay.

Go’aankani wuxuu u gogol xaarayaa in loo ogolaado maxkamadda dambiyada dagaal (ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, Netherlands) si loo baaro dembiyada dagaal ee ka dhashay falalka militariga Israel.

Kadib markii uu qaraarka Maxkamada soo baxay isla markiiba, wasaaradda arrimaha dibedda ee Falastiin ayaa war kasoo saartay ayadoona tiri, “Waxaan diyaar u nahay inaan iskaashi la yeelano baaritaanka maxkamadda dambiyada adduunka.” Falastiin ayaana soo dhaweysay arinkaan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu ayaa wuxuu cambaareeyay go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, asigoona sheegay inuu u qaatay mid lagu daciifinayo awoodda waddamada dimuqraadiga ah ee ay isaga difaaci karaan argagixisada. Waa siduu hadalka u dhiyaye.

Qoraallo taxane ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, Netanyahu wuxuu intaas ku daray in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ay caddeysay mar kale inay tahay hay’ad siyaasadeed, oo aan ahayn gole garsoor, asigoona yiri “waxay iska indhatireysaa dambiyada dagaal ee dhabta ah”.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan difaacno muwaadiniinteena iyo askarteenaba waddo kasta oo aan uga hortageyno sharciga,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada dambiyada aduunka ayaana wuxuu horey u sheegay inay daneyneyso maxkamada helitaanka ogolaansho ay ku baarto dambiyada ay galeen Israel iyo Xamaas intii uu socday dagaalkii Gaza ee dhacay sanadkii 2014tii, Iyo waliba sidoo kale banaanbaxyadii ka dhacay xayndaabka marinka Gaza sanadkii 2018dii.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale horey u shaacisay inay ka fiirsaneyso Maxkamada furitaanka baaritaan ka dhan ah Israel oo ku saabsan dhismaha deegameynya kaasoo ay kawadaan dhulka Daanta Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here