Abhishek Bachchan iyo Aishwarya Rai waxay ka mid yihiin lammaanaha aysan cidna isku rajeyneyn ee iska dhex helay shirkadda Bollywood Film Industry.

Aishwarya ayaa muddo dheer ka maqneyd shaashadaha, laakiin hadda waxay dooneysaa inay aflaan sameynta dib ugu soo laabato. Abhishek ayaana arrintaas ku caawinaya xaaskiisa.

Wararka xanta ah ayaa waxay sheegayaan in Ash iyo Abhishek ay isha ku hayaan in filimkoodii seddaxaad ay isla sameeyaan, iyadoo filimsameeyeyaasha Bollywood ay usoo bandhigeen sheekooyin ay haatan iska akhrinayaan.

Dhowaan labadooda waxaa xaflad casho ah ku casuumay labada saaxiib ee aan kala dhicin Karan Johar iyo Manish Malhotra, xafladdaasna saxaafadda ayaa goobjoog ka aheyd.

Markii ay Abhishek Bachchan iyo Aishwarya Rai goobta ka tegayeen mid ka mid ah sawir-qaadeyaasha ayaa duubtay Ash oo cajirkeedu uu bannaan yahay, taasoo gaariga sii geleysay. Abhishek ayaana ogaaday waxa dhacay. Ka dibna wuxuu si dhaqsi ah ugu yeeray sawir-qaadaha isagoo ka dalbaday inuu tirtiro sawirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here