Maxuu Ka Yiri Varun Dhawan Hadalkii SRK Ee Ahaa In Atoorayaasha Mushaarkoda Filmada Yareyaan!

King of Bollywood Aka Shah Rukh Khan ayaa dhowan ku dhawaaqay in atoorayasha Bollywoodka iyo guud ahaan kuwa hindiya oodhanba ka shaqeyaan in ay yareyaan lacaga filmada ay ku qaatan maadama daqligii maanta yar yahay sidii horena uusan ahen.

Sido kale qarash gareyasha ay ku adagtahay inee sameyaan aflaam tayo wanaagsan leh oo lacag wanaagsan la galin karo marba hadii atoore walba uu lacag waali ah sheeganayo.

Balse uu SRK tilmaamay in waagi hore xaalku sidan ahen mushaarka atoorayashana uu xadidna sidaasna lagu heli jiray aflaam tayo leh in badana gadmayan laakin maanta fanka hindiya dhulka ayuu galay ayuu leeyahay SRK maadama dadkii oodhan lacag le usoo jeedsaden.

Hadaba Varun Dhawan oo xayeysiin usamenaayo filmkiisa October ayaa saxaafada la falgalay sido kalena wax laga weydiyay arinka SRK sheegay iyo waxa uu fikir ahaan ka qabo Varun ayaa ku jawaabay.

“Waa runtiisa SRK wuuna saxsanyahay isaga xitaa waa qarash gareye oo aflaam dhowr ah ayuu qarash gareyay sido kalena waa mid kamid ah jilaayasha aan ku dayano uguna wanaagsan kuwooda taarikhda fanka hindiya.”

“Lacagto waa in ay xadiidnaato sido kalena taladiisa la raaco, aniga ahaan waligey iskuma dhicin aniga iyo qarash gareye sababto ah qarash gareyaasha ayago faraxsan ayaan la shaqeya filmkoodana macaash wacan aye ka helaan balse sida guud waxaa wanaagsan in diirada la saaro tayada filmka oo mushaarka la xadido.”

2 Comments

Comments are closed.