Shah Rukh Khan ayaa sidii ugu quruxda badneed oga tacsiyooday geeridii ku timid jilaagii caanka ahaa Irrfan Khan kaaso geeriyooday 29 April isagoo sababsaday kansar hayey mudo 2-sano ah oo uusan si dhameestiran oga caafimaadin.

SRK Twitter-kiisa waxuu soo dhigay isla maalintii Irrfan geeriyooday sawir isaga iyo Irrfan ah waana sawir xasuus ah waxuuna soo raaciyay qoraal qiiro leh oo mudo baraha bulshada lagu wad-waday kaaso ahaa sida tan.

“Saaxiibkeey, kii aan ku dayanaayey iyo atoorihii ugu fiicnaa xiligeenii..Alle haku naxariisto walal Irrfan dhab ahaanti waan kuuxiisi doonnaa balse marwalba qeyb naga mid ah ayaad ahaan doontaa oo kama fogaan doontid qalbiyadeena.”

Irrfan waxaa lagu tilmaamay 30-sano u dambeysay atoorihii ugu qaab jiliinka fiicnaa ee Bollywoodka soo mara inkastoo Filimo waaweyn oo si weyn u hirgaleen uusan sameynin hadana marwalba qaab jiliinkiisa 100% ayuu ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here