Director Subhash Ghai ayaa wuxuu diyaariyey filim dagaal ah oo uu isugu keenayo seddax ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn Bollywood waana Dilip Kumar, Amitabh Bachchan iyo Shah Rukh Khan, laakiin qorshihiisu wuu dhicisoobay.

Subhash Ghai ayaa wuxuu xitaa daaha ka qaaday inuu filimkaan u bixiyey magaca Mother Land.

Ghai oo wareysi siiyey PTI ayaa yiri: “Sannadkii 2003dii, waxaan doonayey inaan sameeyo filim aan ugu magac daray Mother Land, kaasoo aan hogaankiisa ugu talogalay Dilip Kumar, Amitabh Bachchan iyo Shah Rukh Khan.

“Sheekada filimkaasi diyaar ayey aheyd, xitaa seddax ka mid ah heesaha filimkaas waa la duubay. Balse daqiiqadii ugu dambeysay Shah Rukh ayaa isaga baxay mashruucaan.”

Director-kaan ayaa wuxuu SRK kala shaqeeyey sannadkii 1997dii filimkii Pardes – laakiin Subhash Ghai wuxuu caddeeyey in sababta uu Shah Rukh Khan u diiday inuu la shaqeeyo Dilip Kumar iyo Amitabh Bachchan ay aheyd inuu doonayey inuu kaligiis sameeyo filim dagaal ah oo aan hogaankiisa lagu heysan, waana sababta mashruuciisii riyada uu u fashilmay.

Sida qorshuhu ahaa filimkaas waxaa la isugu keeni lahaa seddaxda atariisho ee waa weyn Aishwarya Rai, Priety Zinta iyo Mahima Chaudhry.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here