30-April waxaa dunida macsalaameeyay Superstar Rishi Kapoor oo loo yaqiinay The Original Chocolate of Bollywood isagoo 67-jir ah ayuu geeriyooday halyeeygan xili dhimashadiisa sabab looga dhigay cudurka Kansarka oo mudo labo sano hayey.

Rishi meeydkiisa sida hinduga ayaa loo asturay caadadana ahed waxaana tacsida ka qeyb galeen dad yar oo kooban misane qoyskiisa u badnaayen hadaba intii lagu guda jiray tacsida dadka baraha bulshada isticmaalaan ayaa Troll-gareyeen Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt waxayna sheegen inee khalad galeen gudaha tacsida xili meeydka Rishi la kor joogay.

Waxay dhaheen Ranbir waxuu dul taagan-yahay aabihiis balse eeg labiska uu xiranyahay waaba nin xaragoonaayo oo jeemis Fashion ah iyo labis xarago wato waana qoraal Ranbir lagu Troll-gareeyay sido kale Alia Bhatt iyadana dhankeeda ayaa laga dhaliilay.

Waxay dhaheen Alia Bhatt waxay heysatay Mobile-ka gacanta ma waxay duubaneysay qaabka loo asturaayey meeydka Rishi Kapoor mise sawiro ayee ka qaadaneysay maxay kawaday arinkaas run ahaantii Ranbir iyo Alia murugo weyn kama muuqanin xili ay tacsida joogeen.

Hadaladaas iyo kuwa kale ayaa Internet-ka dhex mushaaxayeen dabcan qofkii baaro wuu arki karaa ama qaarkiin waadba maqasheen hadaba maxaa ka xaqiiqo ah arinkaas baaritaan dheer kadib jawaab ayaan u helnay Troll-ka lagu sameeyay labadan jilaa.

Mida kowaad oo dad badan ogeyn ayaa ah in Alia Bhatt Mobile-ka gacanta u heysatay hal sabab taaso ah inee si Live ah u tusiso Rishi gabadhiisa Raddhima Kapoor qaabka tacsida u dhaceysay sababto ah gabadhani safar dhulka ah ayee kusoo jirtay xiligaas Mumbai na ma aysan joogin sidaa aawged Alia Live ayee tacsida u tuseesay qaab muuqaal ahaan waana sababta rasmiga Alia tellka u heysatay.

Mida labaad sababta Ranbir usoo xiran waayey dharka tacsida bedelkeedna usoo xirtay labis xarago Fashion ah sabbated lama oga waxayse u badantahay in Ranbir fursad uu labiska isaga bedelo uu waayey ileen markii hore hal guri kuma aysan wada nooleen labadooda Ranbir na xaalka aabihiis markuu darnaaday ayuu u yimid isbitaalna u kaxeeyay.

2 COMMENTS

  1. Sababta Ranbir dharka cad usoo xiran waayey baa ah in isaga iyo hooyadiba ay arbacadi sidey dhakhtarka ula galeen rishi aysan ku noqon guriga ufiirso dadkoo dhan waxaa ka labis duwan waa Ranbir iyhooyadi dadka baraha bulshada ku weeraray waa fans kii salman khan iyo deepika iyo ranveer oo mar cuqdad ladaba socda kkkkkkkkk lkn min waxaa ujoojiya maaha mana dhagaysto hawshiisu wata

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here