Sawir ayaa Internet-ka dhex mushaaxayey maalmahan kaaso ugaar ah lamaanaha caanka ah Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt iyagoo xiran labiska arooska balse waa sawir gacan ku sameeys ah.

Wararka ayaa sheegayaan inuu yahay sawir ugaar ah Filimkooda Brahmastra ee dib loo dhigay markale sanadkaan, waxaana laga sameeyay xili muuqaalo aroos ah ay duubayeen isla Filimka dhexdiisa ah.

Brahmastra waxaa kaloo wax kajilayaan Mouni Roy, Amitabh Bachchan, Nagarjuna iyo Dimple Kapadia qorshahana waxuu ahaa in sanadkaan dhamaadkiisa ama bisha December la daawado balse hader dib ayuu udhacay oo 2021 ayaa la daawan doonaa.

Dhanka noloshooda gaarka ah wali war rasmi ah kama soo bixin misane ku aadan arooskooda labo xan weyn ayaana sanadkaan laga faafiyay mid ah in kaarka arooskooda oo Fake ah lasoo bandhigay misane lagu sheegay inee dhamaadka sanadka isguursan doonaan midna waa in xiriirkooda bur buray gabi ahaanba balse labadaas xanba Alia Bhatt ayaa beenisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here