Inaba caadi ma ahan meesha uu maraayo musalsalka Hobigii Maya (Beyhadh 2) waa musalsal ama taxano aargoosi ka hadlaayo misane hader wax badan isbedeleen gabi ahaana waji kale ayuu yeeshtay taxanaha.

Sida guud Maya waxay ka cabsan jirtay in Rudra wajigeeda dhabta ah ogaado iyo in iyada ay dishay walaalkiis Rishi waana walwal ku taagnaa laakiin ugh dambeyn Rudra arinkaas wuu ogaaday waxaana ogeysiiyay aabihiis MJ.

Sidee kudhacday inuu ogaado?

Maya ayaa talaabo xanuujisa MJ qaadeyso maadama ay bur burineysi sharafka MJ xaaskiisa ee Antara weyna ka aargoosane sababto ah Antara 10 sano kahor marke maya garab ka dalbatay Antara wey ku jees-jeestay weyna silcisay hadaba Maya ayaa sharafka Antara dhulka la galeysi maadama meel walba ay ku faafineyso sawirada qaawan ee Antara qof jirkeeda ka ganacsata ay ka dhigeyso.

Antara falkaas inuu MJ ku sameeyay ayee umaleene, Maya markee ka aargoosato Antara kadib wax walbo wey iska ilaawe hooyo oo kale ayeena ka dhigeen dib ayeena Maya guriga ugu soo laabane ayadoo Rudra wado.

Xaflada Holi ayaa la qabanaa waxaa dhaceyso in MJ qolka Rishi so galaayo asoo wiilkiisa soo xusuusanaayo balse si lama filaan ayuu ku eega kaamiradii Rishi ee ku duuban muuqaalkiisa uu ku cadeynaayo inuu Maya jecel yahay xiriirna kala dhaxeeyo.

MJ ayaa argagaxaayo markuu ogaado arinkaa waxuuna fahmaa in Maya ay dishay wiilkiisa Rishi hadaba MJ ayaa kaameradii ku wareejinaayo wiilkiisa Rishi si cadeyn walba indhihiisa ugu arko waxuuna ugu talo galay in Rudra naceeb waali ah u qaado Maya waana waxay waliged ka cabsan jirtay.

MJ oo ciilkii adduunka haayo ayaa shirqool udhigaayo Maya di ay banaanka ugu soo baxdo markee banaanka usoo baxdana biskoolad ayuu lasoo baxaa waxuuna wacad kumaraa inuu dilaayo maadama wiilkiisa uu jeclaa ay ka dishay sido kale Maya ayadana biskoolad ayee lasoo baxee ayadoo wacad ku mareyso inee aargoosigeeda sii dhameestireyso marba hadey weysay Rudra oo ay nafteeda ka jecleed maadama wajigeeda dhabta ah uu maanta ogaaday.

Halkaas ayee MJ iyo Maya xabado isugu furayaan lamana oga cida ku dhimaneyso laakiin dhiig dhulka daadsan kaliya ayaa arkee mudo kadib waxaa lagu tusaa Maya oo lug ka dhaawacan misane hurdo kasoi kaceysa xusuustii ayaana ka luntay wax dhan ma xusuusato xitaa magaceeda.

Nin ayaa soo baxaayo oo Vikram la dhaho waxuuna ku dooda in Maya xaaskiisa tahay guri ayuu ku heestaa Maya ninkana nin sharyar ma ahan dhanka kale Maya hooyaded qol ayee ku xir xirantahay waxayna u muuqata in ninkaan Vikram ladhaho afduubtay dhanka kale Rudra ayaa si waali ah u baadi goobaayo Maya sawiradeeda ayuu magaalka ku faafina isagoo wcad ku maraayo inuu cirib tiri doono Maya oodhan marka uu la kulmo ileen waxuu daawaday muuqaalkii Rishi halkaas ayuuna wax walbo ka ogaaday.

Dhamaad waa inoo xalqada dambe…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here