Xalqadii hore waxay inoo joogtay Maya oo go’aan ku gaartay inee ka tagyo guriga MJ waana qorshe ay iyada sameysatay kadib markii lagu xad gubday hooyaded waxayna ugu talo gashay inee aqalka isaga dhex baxdo ileen aargoosigeedii wuu joogsaday sidee guriga MJ u timid hadaba xalqada 69-aad halkaas ayee ka bilaawanee.

Maya waxay Rudra usheege ineysan wax xumaan ah u qabin balse aysan joogi karin guri hooyaded lagu xushmeyneynin sidaa aawged hooyadey iyo aniga gurigeena hore ayaan u laabaneena ayee dhahee Rudra aad ayuu u murugoonaa.

MJ wuu fahamsanyahay qorshaha Maya iyo inee si kutalo gal ah u baxeyso misane ay rabto inuj Rudra soo raaco sidaa aawged xaaskiisa Antara ayuu hoos ula hadlaa waxuuna leeyahay,”Maya iyo hooyaded celi yeesan bixin oo cafis ka dalbo si ay u joogaan.”

Balse Antara oo madax adag wey diidee, MJ ayaa markale ku adkeynaayo Antara waxuuna dhahaa Maya iyo hooyaded inte albaabka kabixin celi oo raali galin kabixi wixii aad sameysay ileen Antara waxay tiri Maya iyo hooyaded waan necbahay gurigeyga inee joogaana ma rabo waana sababta Maya iyo hooyaded u baxayaan inkastoo qorshaha Maya ka dambeyso.

Ugu dambeyn Antara wey diide waxaase dhaceyso markee Maya iyo hooyaded ay albaabka ka bixi rabaan inuu Rudra u yeerayo isagoo boorsadiisa wato waxuuna dhahaa waan idin raacayaa isuga kadib ayuu MJ xaaskiisa si hoose ugu dhahaa,”sababta Maya iyo hooyaded raali geli yeesan bixin kuulahaa sidan ayaan diidaayey.”

Antara ayaa wiilkeeda inee celiso iskudayeyso balse wuudiidaa waxuuna dhahaa “Maya balan ayaa ka qaaday markaa guursanaayey inaan waligey cidleen doonin” sidii ayuuna ku raaca oo gurigii hore ayee wada dagayaan xili Rajiv xitaa uu la jiro.

Hadaba Maya qorshaheeda wali wey ku taagantahay waxayna habeenino wacee MJ oo hurda waliba muuqaal Video Call ahaan ayee uwacee waxayna Mobile-ka katusee wiilkiisa Rudra iyadoo mindi ama toorey dhuunta ka saartay waana xili uu Rudra hurdaayo waxna kala ogeyn waxayna ugu talo gashay inee cabsi galiso MJ si uu xaaskiisa ugu qasbo inee raali galin bixiso.

Hadaba MJ habeenkaas hurdo ma ladi doono waxuuna subaxii lama filaan xaaskiisa kaga dhigaa warqadihii furiinka oo waxuu dhahaa,”adiga gurigan caruurteyda aawgood ayaad u joogtay mar hadee iyaga ka maqan yihiina ma joogeysid adiga waan ku furayaa” ayuu dhahaa sababtana waxuu usheega inee iyada ka dambeyso bixintaankii Rudra.

Antara ayaa ninkeeda baryeeso aad ayeena u calaacale si aan loo furin ugu dambeyna waxay dhahee waxaa rabtid ayaan kuu sameynaa ha ifurin fadlan waana sida uu MJ rabay dhamaad xalqada halkaas ayee kudhamaane qorshihii Maya ayaa hirgali rabo lasoco qeybta xigta.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here