Waxaa si heer sare ah usocda taxanaha Hobigii Maya (Beyhadh 2) oo hader maraayo meeshii ugu xiisaha badneed hadaba xalqada 86-aad dhacdooyinkeeda oo xiiso leh hoos kaga bogo:

Maya guri ayee ku xirantahay iyada iyo hooyadeedba waxayna ogaatay qiyaanada Vikram iyo inuu si qasab ah halkaas ugu haayo sido kale waxay aragtay meeydka Rajiv ee armaajada kujiray weyna ka naxee inkastoo aysan xasuusan qofka uu yahay.

Dhanka kale MJ waxuu doonayaa inuu Maya gacanta kudhigo kahor inta uusan wiilkiisa Rudra gacanta kudhigin ileen waxuu diidanyahay in sirtiisa hore la ogaado iyo in isaga iyo Maya xiriir ka dhaxeyn jiray.

Maya si lama filaan ah ayee kusoo galee qolka hooyaded kuxirneed ee hoos ku yiilay xili ay ka fakan rabtay Vikram halkaas ayeena iyada iyo hooyadeed ku kulmayaan inkastoo Maya xusuusta usoo noqonin hadana waxay dareeme qoftaan inee hooyaded tahay duqda ayaana gabadheeda u tilmaameyso gabadheeda inee meesha isaga fakato.

Balse labadooda oo wada hadlayaan ahaa Vikram dul imaanaayo halkaas ayuuna kasoo wadaa Maya oo qol gooni ayuu kuxiraa kadib Maya ayaa bilaaweyso inee soo xusuusato qeyb kamid ah waxyaabihii hore.

Maya ayaa Vikram ka codsaneyso inuu gacmaka ka furo maadama uu xir xiray waxayna u tilmaame inee jeclaan doonto balse uu qasabka ka dhaafo waqtina siiyo qorsho ayeena ka wadataa waxayna rabtaa in iyada iyo hooyaded meesha ka fakadaan sidaa aawged waxay Vikram kudhahee hadaa ijeceshahay meeydka Rajiv iga qari waan ka cabsanaa intuu howshaas ku mashquulsan yahay ayeena hooyaded utagee kana codsanee inee meesha ka baxsadaan balse duqda waxay dhahee ma socon karo lug ayaa ka dhaawacanahay ee adiga iska bax gabadheyda kadib Maya warqad ayee ku qoree “icaawi” daaqada ayeena ka tuure si dadka u caawiyaan.

Warqada waxaa helaayo Rudra oo isaga shaki kujiro misane Maya gurigeeda banaankiisa joogo ma fahmaayi warqada balse dareenkiisa waxuu siinaa in Maya tahay oo caawinaad rabto sikaste ahaataba Vikram ayaa soo noqonaayo halka Maya meel kudhuumaneyso. Maya hooyaded ayaa is dileyso mindi ama toorey ayee helee xididka gacanta ayeena iska jiree xili Maya ujeedo Vikram na dul taagan yahay markaas ayeena Maya wax walbo soo xusuusane oo xusuusteeda usoo laabane kadibna Vikram inee qorsho u dagto ayee bilaawe waxay oga sheekene dhibkii uu Mj u geestay iyada.

Kadib Vikram ayaa dhahaayo dadka dhibka kuu geesteen oodhan aniga ayaa mid mid kaaga aarayo sido kalena Rudra waan dilayaa ee adiga hal mid ii balan qaad taaso ah markaa kuu aar gudo inaad nolol cusub ila bilaaweydo Maya heshiiskaas wey aqbalee balse markuu Vikram baxo ayee kaligeed isla hadlee waxayna dhahee.

“Vikram nacas ayaa tahay waa ballan inaan kugu shaqeysto markaa danteyda kaa dhameystana waan ku dili doonaa sababto ah waxaad iga dishay walaalkey Rajiv halka hooyadey inee dhimato aad sabab u ahed sido kale waxaad dooneysaa inaad Rudra iga disho waa balan inaan kudilo jaceylkeyga Rudra na aan u noqdo.”

Dhamaad xalqada halkaas ayee ku dhamaanee..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here