Kulanti wacan akhristayaal kusoo dhowaada xalqadii 75-aad iyo midii 76-aad oo isku dhexjirta ee taxanaha Hobigii Maya (Beyhadh 2) oo aan halkaan idiin kugu falanqeyn doono dhacdooyinkii xiisaha lahaa ee lagu arkay xalqadahan.

MJ wuu nool yahay garabka ayaana dhaawac kasoo gaaray Police-ka ayaana bilaawayaan

inee baaraan gaarigii Maya si ay usoo qabtaan ileen MJ Police-ka waxuu usheega in Maya qoyskiisa bur burisay. Wilkiisa Rishi ine ka dishay isagiina ay dhaawacday balse Askariga kiiskan u xilsaaran ee isbatoore Joseph ladhaho ayaa la yaabayo sababta ku kaliftay Maya ine qoyskan noloshooda qaribto sido kale waxuu sheega askariga in xabad seddexaad la riday oo qof seddexaad meesha joogay markii Maya iyo MJ xabadaha isla dhacayeen.

Rudra ayaa wacad ku maraayo Police-ka inta aysan Maya gacanta ku dhigin kahor inuu isaga gacanta kudhigaayo kadib gurigii ay daganed ayuu ka raadina waxaana guriga joogo Vikram oo Maya halkaas ku heesto meel guriga kamid ah ayuuna ku qarina isagoo suuxinaayo markuu Rudra yimaado.

Rudra wuu weyna Maya wuuna iska soo baxaa balse halkaas waxaa inooga cadaaneyso oo Vikram dib u xasuusana in Maya iyo isaga ay is guursadeen balse Maya qorshaheeda aargoosiga ayee ka qarine sababto ah markii uu MJ silciyay Maya waxay la kulmee Vikram iyadoo wadada ku suuxsan ayuuna bad baadina wuuna daryeelaa in badan.

Laakin dhaawaceeda wey ka qarine iyo ujeedkeeda xitaa tababar ayuu siinaa magaca Maya Isaga ayaa u bixinaayo waxuuna ka dalbana guur weyna ka ogolaane balse habeenkii aqal galka ayee ka dhuumane oo ay ka cararee ileen inee aargoosato ayee rabtee waana muuqaal xusuus ah oo lagaaga sheekeynaayo balse Maya hader waxba ma xusuusato.

dhanka kale Rudra waxuu ka qoomameynaa inuu jeclaaday Maya oo dishay walaalkiis Rishi waxuuna wacad ku maraa inuu dili doono Maya balse intuusan dilin waxuu dhahay waxaan weydiin doonaa sababte waxaano dhan u sameysay hadalkaasna MJ walwal ayuu ku abuuray waxuuna ka cabsanaa in wiilkiisa ogaado sirtiisa.

Dhanka kale Rudra goobtii Maya iyo aabihiid isku dagaalen waxuu ka helaa Mobile uu lahaa Vikram ileen Maya marke xabada kudhacday Vikram ayaa doo kaxeeyay laakiin Mobile-kiisa ayaa meesha kaga haray hadaba Rudra waxuu ogaana Mobile-kaas inuu leeyahay nin ladhaho Veer Jai Singh gurigiisa iyo ciwaankiisa ayuuna helaa horey ayuuna ka aada si uu ula kulmo dhamaad xalqada halkaas ayee kudhamaane.

Waa inoo xalqada dambe…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here