Meel Ku Qoro Xiliga La Daawan Doono Goos Gooska Filimka Tiger Shroff Baaghi 2

Jilaaga lawada jacel yahay Tiger Shroff sanadkaan waxaa u diyaarsan labo filim Baaghi iyo Student Of The Year 2 asigoo doonaay inuu dib usoo celiyo awoodiisa maadaama labadiisa filim ugu danbeeyay Flop ka noqdeen.

Haddaba waxaa maanta shaaca laga qaaday xiliga la daawan doono goos gooska dhameestiran filimkiisa Baaghi 2 waxaana shaaca laga qaaday goos gooska Baaghi 2 in la daawan doono February 21. 

Dhinaca kale Baaghi 2 Tiger Shroff waxaa la jilayso jaceylkiisa Disha Patani waan filim Tiger iyo Disha is faham iyo Action mo halis kusoo bandhigi doonan.

Waxaana filimkaan laga saaray atariishada qeybta koowaad sida u wacan u jishay ee Shraddha Kapoor waxaana lagu badalay Disha Patani waxaana si ugu dadaalay in Shraddha laga saaro filimkaan Tiger oo la doonaayay doorkaan jaceylkiisa Disha .

Baaghi 2 waxaa maal giliyay Fox Star Studios iyo Sajid Nadiadwala waxaana filimkaan qeybtiisa labaad director ka ah Ahmed Khan wuxuuna qorshaha yahay in la daawado March 30 2018.